Saturday, August 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Saldhigga milatari ee Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaa ka socota munasaabad la filayo in dowladda Soomaaliya ay kula wareegto cutub ka mid ah  Ciidamadda uu tababarray Turkiga. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalaya munaasabadda lagu wareejinayo Ciidamadda uu Turkiga tababaray oo qeyb ka noqon doona Ciidanka...
Dowladda Soomaaliya ayaa tiro kale oo ciidammo dheerad ah geynaysa degmooyinka gobolka Banaadir si loo xoojiyo nabadgalyada caasimadda Muqdisho. Ciidamadda dheeradka ah ayaa shalay lugu soo bandhigay munaasabad looga hadlay ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay tiro 3,000 oo askari ah in lugu biirinayo ciidamadda horey uga howlgallayay degmooyinka gobolka...
Doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka federaalka ayaa la filaya in Axadda lugu qabto magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,iyadoo uu kursiga u sharaxanyahay wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka. Kursiga ay doorashadiisa ka dhacayso magaalada Garoowe, waxaa horey u baneeyay Dhahar Cali Faarax oo la sheegay si iskiis ah inuu isku...
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Xildhibaannada ayaa xalay lagu wargeliyay in Sabtida maanta ah ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay ka soo qayb-galaan. Xubnaha Golaha Shacabka ayaa maanta la sheegay in Ajendaha horyaala uu yahay Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka...
Madaxda dowlad-gobolleedyada qaar ka mid ah ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,halkaas oo ay kulamo ku qaadanayaan. Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo sidoo kale ah guddoomiyaha madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada iyo labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Koonfur-galbeed ayaa saddexdii maalin ee u dambeysay ku sugan magaalada Nairobi. "Ilaa hadda...
Taliyaha booliska dalka Mozambique Bernadino Rafael  ayaa waxaa uu sheegay in 90 qof la dilay ku dhawaad 70 kalana ay dhaawacyo soo gaareen tan iyo markii urur Islaami ah uu sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka bilaabay inuu weerraro ka gaysto. Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga...
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe ee dalka waxaa ay u ogolaatay dowlad kale oo shisheeye in ay dhoofsan karto duur joogta Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa loo ogolaaday in ay dhoofsan karto Qaar ka mid ah duur joogta Soomaaliya (Sagaarada) sida...
Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo horey uga mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-shabaab, laakiin sanadkii hore isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa maalintii shalay uga dhawaaqay magaalada Baydhabo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Rooboow oo dadweyne kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa sheegay...
Ku dhawaad 50 qoys oo kasoo barakacay colaadda Soomaali Galbeed ee Oromada iyo Soomaalida ayaa  gaaray degmada  Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Qoysaskan oo isugu jira carruur iyo dad da'ah ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga inay gurmad usoo sameeyaan,iyagoo sheegay in hantidoodii la dhacay. "Xoolo iyo beero ayaan lahayn...
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay jiraan sharuudo wali ku xiran si loo soo daabaco lacag shilin Soomaali ah oo horay dowladdu u sheegtay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo daabici doonto. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in 27...