Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in ay jiraan sharuudo wali ku xiran si loo soo daabaco lacag shilin Soomaali ah oo horay dowladdu u sheegtay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo daabici doonto.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in 27...
Marwada koobaad ee waddanka Mareykanka, Melania Trump, ayaa waxa ay dalka Kenya ku soo gaartay booqashadii ay ku maraysay afarta dal ee Afrikaanka ah.
Booqashadeeda Kenya ayaa la filayaa in ay diiradda ku saari doonto arrimaha la xiriira dhaqanka iyo ilaalinta duurjoogta.
Waxaa la xiray qeybta ka mid ah elaboorka caalamiga...
Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegay in xalay burcad South African ah xalay toogasho ku dileen labo muwaadiniin Soomaaliyeed oo waqtigaa ku suganaa goobtooda ganacsi.
Gaar ahaan dilkan labada dhalinyarada ah ayaa ka dhacay magaalada Pretoria sida uu Hiiraan Online u sheegay goobjooge halkaa ku suganaa, waxaana...
War Kasoo Baxey Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Lagu Sheegay in Aanu Muqtaar Roobow Cali Abu Mansuur Ka Qayb Geli Karin Tartanka Doorashada M/weyne ee Ka Socda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Waqtiyada Soo Socda iyadoo lagu Micneeyey in ay Jiraan Heshiisyo Lala Galey Beesha Caalamka Markii uu isasoo Dhiibayey iyo...
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxa ay ku ansixiyeen go’aan khuseeya hay’adaha caalamiga ah oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Go’aanka ayaa mamnuucaya in hay’adaha caalamiga ah ee hawl-gala gudaha Soomaaliya ay...
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xalay duqeyn diyaarado ay ka geys-teen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Col Cabaas Gurey oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeyntasi lala beegsaday saraakiil ka tirsan...
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay qabya-tirka iyo dib-u-eegista dastuurka, amniga, siyaasadda lagula dhaqamayo hay’adaha xafiisyada ku leh dalka dibaddiisa, Istaraatiijiyadda Soo-kabashada iyo kobcinta dawladnimada iyo Hantida Qaranka
Wasaaradda arrimaha dastuurka ayaa golaha warbixin ka siisay horumarrada...
Mukhtaar Rooboow Cali Abuu- Mansuur oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya..
Rooboow ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay ee ah in uu isku soo taago qabashada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ka danbeysay...
Askari cabsan oo ka tirsan booliska Itoobiya ayaa bartamaha magaalada Addis Ababa ku toogtay labo askari oo ka tirsan booliska,sida u sheegay taliyaha booliska.
Taliyaha booliska Federaaka Itoobiya, Zeynu Jemal ayaa inta ku daray in toogasho lagu dilay askarigii cabsanaa,lamana sheegin khasaaro inta ka badan oo ka dhalatay rasaasta uu...
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Filippo Grandi, waxa uu kala hadlay barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo...


















