Faah Faahin Dheeraad ah oo Kasoo Baxeysa Qaraxyada Galabta Ka Dhacey Magaalada Muqdisho.

0
523

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa goor dhaw ka dhacay agagaarka xarunta danbi-baarista CID-da ee KM4 magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay qaraxan oo dhawaqiisa siweyn looga maqlay inta badan caasimada, iyadoo wararka qaar sheegayaan in uu yahay weerar is miidaamin ah.

Warar Hadda Nasoo Gaarey Ayaa Sheegaya in Qaraxa Dad Badan oo Rayid ahi Ku Dhinteen Walaw aan wali Tirada aaney Sheegin Hay’adaha Amniga Soomaaliya,Goobo Ganacsi iyo Xafiisyo Si Gaara Loo Lahaa Kana Soo Horjeeda Hottel Xayat iyo Saxafi ayaa Si Daran Bur Bur Usoo Gaarey,Waxaa Sidoo kale Bur Burey Gaadiid Badan oo Goobta Qaraxyada Ka Ag Dhawaa.