Saturday, August 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay waxaa ay digniin u direen dallaadaha waxbarashada dalka oo ay uga digeen wadashaqeyn toos ah oo ay la yeeshaan dowladda federaalka. Cali Maxamuud Raagge oo ah afhayeenka xarrakada ayaa uga digay goobaha waxbarashada inay iska ilaaliyaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka. Waxaa uu sheegay...
Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland waxaa maanta ka dhaceysa doorashada mid ka mid ah kuraata xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu dhawaan iska casilay Daahir Cali Faarax. Doorashadan oo ah mid xiiso badan ayaa waxaa xubnaha ku tartamaya ka mid ah wasiirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo...
Senatka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, kadib isbuucyo hareeyay noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan. 50 senator, oo mid kaliya uu Dimuqraaddi ka yahay, ayaa ku codeeyay 'Haa,' halka 48...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa galinkii danbe ee shalay gaaray taliyaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Xusseen Cismaan Xusseen oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed. Taliyaha ayaa xalay kulan la qaatay musharax Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka mid ah siyaasiyiinta isku soo taagay...
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad kalfadhiga 4-aad , wuxuu ugu yeeray wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya oo ka hor akhriyay hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka. Kulankan oo uu shir guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa soo xaadiray 151 xildhibaan, iyadoo Ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta...
Qoys degan koonfurta Hargeysa meel u dhow degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodi jeex ayaa xalay koox deblay ah oo aan la aqoonsan ku weerartay rasaas iyo inay dabqabadsiiyaan qoyskaasi. Weerarkaasi xalay waxay waxyeelo ka soo gaadhay haweenay umul ahayd oo lugta ka jabtay, iyo 11 neef oo xoolo ah oo...
Wararka ka imananaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur uu halkiisa ka sii wato ololihiisa doorasho ee musharaxnimada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed xili Wasaarradda Amniga ka mamnuucday in uu isku soo taago doorasho. Munaasabada ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa deg deg ah ugu laabtay magaalada Jowhar kaddib markii shalay guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle uu qabtay mooshin ka dhan ah. Madaxweynaha iyo wafdi uu horkacayay oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay madaxweyne ku-xigeenka maamulka...
Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Kuuriya Lee Myung-bak ayaa lagu xukumay 15 sano oo xariga ah kadib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq. Lee ayaa waxaa jimcihii lagu xukumay maxkamad ku taalla magaalada Seoul, waxaana sidoo kale la amray in uu bixiyo lacag ganaax ah oo gaareeysa ilaa 11.5 milyan oo...
Saldhigga milatari ee Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaa ka socota munasaabad la filayo in dowladda Soomaaliya ay kula wareegto cutub ka mid ah  Ciidamadda uu tababarray Turkiga. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalaya munaasabadda lagu wareejinayo Ciidamadda uu Turkiga tababaray oo qeyb ka noqon doona Ciidanka...