Warar Dheeraad ah Ayaa Kasoo Baxaya Qaraxyada Galabta ka Dhacey Hottel Saxafi ayaa waxaa Lagu Soo Waramayaa in ay Ku Dhinteen Dad Gaaraya 23 Qof Halka 45 Kale Ku Dhaawacmeen Iyadoo Lagu Soo Waramayo In Maamulihii Hottelka Saxafi Allaha u Naxariistee Wiilkii uu Dhalay C/rashiid Ilqayte kaas oo Aabihiis Sadex Sano Ka hor Hotelka Lagu Dilay.
Sidoo Kale Dadka Ku Dhaawacmey Qaraxyada ayaa Waxaa Kamida Agaasimihii Hore ee Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi kaas oo aan La Ogeyn Dhaawiciisu Sida uu Yahey in uu Culusyahey iyo in uu Fududyahey,Waxaana Lagu Soo Waramayaa in Dadka Ku Dhintey ay u Badnaayeen Dad ku Jirey Baabuur Mini-Bus ah kaas oo intaada Badan ay Geeryoodeen.
Maahan Markii ugu Horeysey ee Sidan oo Kale ay Qaraxyadu Dad aan Waxba Galabsan Galaaftaan Tan iyo Wixii Ka danbeeyey Qaraxii Zope wey Yaraayeen Qaraxyada iyo Khasaaraha ay Geystaan Magaalada Muqdisho,Haseyeeshee kani waxa uu Noqonayaa Kii Ugu Dhimashada Badnaa Wixii ka Danbeeyey Zope.











