Thursday, August 20, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada bisha Jannaayo ee sannadka 2019ka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashada. Musharrixiinta oo afar qodob kulankooda ka soo saaray, waxaa ay ka digeen faragelin lagu sameeyo doorashada, qodobbada kulanka ka soo baxay ayaa u qornaa sida...
Alle ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Axmed Mayow Cabdalla (Kornel Ruush) Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo ka hadlay geeriyada xildhibaan Mayow ayaa sheegay in uu u geeriyooday xannuun soo food saaray. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal...
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar maleeshiyo belleed ku qaadeen gaari uu la socday guddoomiye ku-xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) oo weerarka lagu dilay isaga iyo ilaalo la soctay. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu ka soo anbabaxay degmada Maxaas isaga oo ku...
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha gobolka J/dhexe.   Wareegtada ayaa u qornayd sidan; Magacaabista Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmeysa ayadoo gobollada Jubooyinka ay ka soconayaan abaabullo ciidan oo la doonayo in lagu xoreeyo gobolka J/dhexe oo ay si buuxda u maamusho Al-shabaab. Kismaayo ee xarunta KMG...
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay. 170 xildhibaan ayaa ogolaatay, waxaana diiday hal xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal oo kulanka shir guddoominaya ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanada...
Ugu yaraan 22 dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo maalintii shalay ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Goofguduud ee gobolka Baay. Dagaalka waxaa ku dhintay oo lagu dilay 14 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, halka ciidamada dowladda uga dhinteen 8...
Waxaa xaaladda degenaasho laga soo sheegayaa deegaanka Kaxandhaale ee xadka gobolka Galguduud uu la wadaago dalka Itoobiya oo labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka socdeen dagaallo culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed. Wafdiga uu horkacayo Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo xildhibaanno ka tirsan labada...
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in oo Axad ah Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku yeeshaan xaruntooda Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka. Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta...
Dhawaan ayuu Taliyaha Xogga Dalka Soomaaliya Jen. Indha Qarshe Xil Ka Qaadis Ku Sameeyey Taliye Qaybedyo Ruug Caddaa ah oo Qaarkood aan Dalka Iyo Debedda Laga Heli Karin Kuwaasoo Bud Dhid u ahaa Jiritaanka Dawladda Federalka ah ee Maanta Jirta,Taliye Qaybeedyadaas Waxaa Kamid ah Taliyihii Qaybta 60'aad Jen.Ibraahim Yaraw,oo...
Toban sanno ayaa laga jooga markii maanta oo kale madaxweynihii dowladda kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed is-casilaaddiisa ka horjeediyay Baarlamaanka oo xilligaas fadhigiisa ahaa Baydhabo. Waxaa uu marka sabab uga dhigay is-casilaaddiisa dhowr qodob oo kala ah in Axdiga u degsan dowladda oo la baal-maray, isla markaana la...