Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey odoroska miisaaniyadii qaranka ee 2019-ka, waxaanay ka kooban tahay lacag dhan: 2,334,320,463, 251 (Laba tiriliyan, saddex boqol Afar iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo labaatan milyan, Afar boqol iyo saddex iyo lixdan kun, laba boqol iyo kow iyo konton) Somaliland shilling oo...
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Soomaaliya Baashi Yuusuf Axmed ayaa wax aan loo dul qaadan karin ku tilmaamay in dadka shacabka ee ku dhaqan deegaannada ay dowladdu maamusho Garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-shabaab.
Gudoomiye Baashe ayaa ugu digay dadka u doonta Al-shabaab Garsoorka in ay wajahi doonaan cawaaaqibkeeda oo uu sheegay in...
Guddiga amniga doorashada Puntland oo Garoowe ku shiray ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga , si baa la yiri looga hortago wax kasta oo carqalad iyo amni darro keeni kara xilliga doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Qodobbada shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah in...
Wararka naga soo gaaraya gobolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen afar askari oo ka tirsana ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qof dumar ah oo ka tirsaneyd dadka degmada
Goobjoogayaal ayaa sheegay in saddexda Askari ee la dilay waqtigaa ku howlanaayeen Uruurinta canshuurta...
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax la dhigay ilinka hore ee guriga guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow ee magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Kooshin.
Qarax ayaa ahaa nuuca miinada laga hago ramuudka oo la dhigay guriga Iridiisa laga soo galo, waxaana uu dhaawac...
Ciidanka amniga Puntland ayaa baaritaanno joogta ah ka wada magaalada xarunta ah ee Garoowe.
Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka,iyadoo waddooyinka qaar lagu arkayay habeennadii u dambeeyay ciidammo ku sugan, kuwaas oo bacaha madow gaadiidka ka fiiqaya,kana baaraya hub.
Howlgalka ayaa saraakiisha waxaa ay ku sheegeen in xarunta Puntland ay isku diyaarinayso doorashada...
Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa maanta isku shaandheyn uu ku sameeyay golihiisa wasiirrada waxaa xilkii looga baddalay mid ka mid ah xubnihii ugu caansanaa uguna awoodda badnaa xukuumadda.
Caadil Al Jubeyr oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowladda Sacuudiga ayaa hadda laga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, xilkaas oo...
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Marwo; Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa maanta soo xirtay shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed.
WARMURTIYEEDKA
SHIRWEYNAHA QARAN EE DHALINYARADDA (SANNADKA 2AAD)
Shirweyhanaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed sannadka 2aad wuxuu ka dhacay magaalada Muqdishu 26¬27 December 2018 waxaana isugu yimid ergooyin matalaaya dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka kala yimid...
Qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhow ka dhacay Xaafada 1 Maajo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo hal qof uu ku dhaawacmay.
Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa ahaa gaadiidka yar ee loo yaqaano raaxada, waxaa ku dhaawacmay darawlkii watay oo kaliya sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo goobta...
Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana wasaarada isbitaalkan u magacawday maamul cusub.
Wareegto ka soo baxday Wasaarradda ayaa lagu kala diray maamulkii hore ee Isbitaalka, Waxaana Wasaarada soo magacawday Agaasime cusub iyo sidoo kale guddiga Maamulka iyo Kormeerka Isbitaalka...


















