Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Digniin U Dirtey Saraakiisha Ciidamada ee Hubka Ku Heysta Muqdisha Gudaheeda.

0
589

Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa digniin culus kasoo saartay Saraakiisha ciidamada dowladda ee hubka sharci daradda ah ku heysta guryahooda, sidda uu warbaahinta u sheegay xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Gaashaale Sare Cabdullaahi Buule Kamey.

Cabdullaahi Buule ayaa intaa ku daray in tilaabo laga qaadi doono cidii lagu helo,  iyadda oo sifo sharci daro ah hub culus ugu dhex heysata magaalada  Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay in hubka dhibaatada lagu geysto uu yahay mid looga  tala galay ciidamada qalabka sidda, waxaana uu amray in si deg deg ah  loo diwaangaliyo hubka iyo Gaadiidka ay leeyihiin ciidamada.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii magaalada Muqdisho lagu qabtay dood dhexmartay saraakiisha qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo saraakiisha ugu sareysa maxkamada ciidamada , waxaana labada dhinac ay is weydaarsadeen arrimo la xiriira sida looga gudbi karo caqabada mar marka qaar ka dhax jira wada shaqeynta labada dhinac.