Xafiiska ciidamada xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada sida ayaa si toos ah u sheegay in ay jiraan hub ay leeyihiin ciidamada qalabka sida oo qarsoodi ah loogu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho.
G/Sare C/llaahi Buule Kamey oo ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada ayaa sheegay in kiiska ugu badan ee la soo gaarsiiyay maxkamada yihiin fal danbiyeeydo sida uu hadalka u dhigay lagu galo hubka ciidamada dowladda Soomaaliya
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa inta badan hubkii loogu tala galay in ay dadka iyo dalka ku difaacaan waxaa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka, waxaa sidoo kale hubka ciidanka uu noqday mid si caadi ah loogu iibiyo suuqaayada Muqdisho.
“Waxaa jira kiisaska la horkeeno Maxkamadda Ciidamada intooda badan hubka dambiyada lagu galo ay yihiin hubka ciidamada qalabka sida oo leh shaabadii iyo astaanti ciidamada, si qarsoodi ahna loogu iibiyo suuqyada sharci darada cirtoogto”ayuu yiri G/Sare C/llaahi Buule.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore lgu eedeeyay in aysan xakameyn karin hubkeeda oo siyaabo kala duwan loogu iibgeeyo suuqyada Muqdisho iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda gaar ahaan Al-shabaab.











