Safiirka Dalka Shiinaha iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kulan Wada Yeeshey Kana Wada hadley Qodobo Muhiim ah.

0
495

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku  saabsan dib-u-habeynta maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha  Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Qin  Jian.”ayuu yiri Wasiir Bayle

Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa  sheegay in dalka Shiinaha uu yahay taageero muhiim ah iyo saaxiib xiriir  taariikhi ah la leh Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah Dowladaha xiriirka fog la leh Soomaaliya, iyadoo dalka ka fulisay Mashaariic waaweyn kuwaas oo ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed  waxtar weyn u leh.