Wednesday, August 19, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom ayaa Qoraal uu soo saaray kaga dalbaday dowladda Soomaaliya in faah faahin ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo iyo sida uu u dhacay xarrigga Mukhtaar Rooboow. Warqaddaas ayuu kaga hadlay saamaynta ka imaan karta wararka...
Xarunta Xuquuqal Insaanka madaxa-banaan ee Soomaliland ayaa soo saartay warbixin sanadeedka falalkii ka dhanka ahaa xuquuqda bani’aadanimada ee ka dhacay Somaliland. Sidoo kale, waxaa ay xarunta sheegtay in waxyaalaha horumarka ah ee sanadkan la sameeyey ay ka mid tahay xayiraaddii laga qaaday wargeyska Haatuf oo tan iyo sanadkii 2014 kii...
Wararka ka imanaya deegaanka Garasbaaley ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu halkaa ku dilay mid ka mid ah dhalinyarrada ku shaqeysata Gaadiidka Mooto Bajaajka. Marxuumka la dilay ayeey dadka deegaanku magaciisa ku sheegeen Carab Siidoow oo ka mid ahaa Darawaladda Mooto Bajaajka oo...
Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo maanta la dhaariyay munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe  ayaa markiiba iska dhax-doortay guddoomiye ku-meel-gaar ah. Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee dowlad gobolleedka Puntland ayaa noqonaya xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da'da weyn...
Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada xarunta ah ee Garoowe,halkaa oo lagu soo dhaweeyay. Wafdiga waxaa ka mid ah Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi iyo Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka mid ah xildhibaannada federaalka ee laga soo doorto Puntland. Xildhibaannada ayaa sheegay inay...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga lagu aasaasayo Hay’adda Naafada Qaranka oo si gaar ah ugu adeegi doonta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed. Munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan, wuxuuna Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare uga mahadceliyey ansixintiisa, isagoona xusay...
Dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa toddobaadkan inay u noqoto billowga maalmaha doorashada,iyadoo diyaar garow xooggan oo doorashada la xiriira laga dareemayo magaalada xarunta ee Garoowe. Galinka dambe ee maanta ayaa la filaya in guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka uu shaaciyay xubnaha Baarlamaanka cusub, kuwaaso soo dooran doona...
Madaxweynaha uu xilka ka dhammaanayo ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilli hore oo saakay ah safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay gobolka Mudug. Warar kala duwan oo safarka laga helay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu halka u tagey booqasho la xiriirta qoyskiisa,iyadoo warbaahinta gudaha ay ku...
Warar goor dhaw na soo gaaraya ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cabdi Maxamed Culusow. Goob-joogayaal ayaa sheegay in sarkaalkan lagu dilay meel aan ka fogeyn Saldhigga  Booliska degmada Waaberi, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay. Wararka ayaa...
Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland looga dhawaaqo liiska xubnaha cusub ee noqonaya Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ee lagu wado in ay soo doortaan madaxweynaha. Liiska Xildhibaanada ayaa ka koobnaan doona 66 Xildhibaan oo ku qoran dastuurka maamulka Puntland, waxaana maalmaha soo socda ay...