Thursday, August 20, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Maxkamada gobolka Maroodi jeex ayaa xayirtay wakhtiyad habeenkii inuu shaqeeyo hoteelka Beerta libaaxyadda oo ahaa hudheel habeenkii lagu caweyn jirey. Hudheelkan waxa cabasho ka soo gudbiyey dadweynaha la jaarka ah, isla markaana waxay boolisku cabashaadasi u gudbiyeen maxkamada gobolka Maroodi jeex,taasina waxay keentay in hudheelka habeenkii aanu shaqayn. Eedaha ay dadweynuhu...
Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee Jaamacada Benadir Dr. Maxamed Max'uud Biday iyo guddoomiyihii hore ee Jaamacadaas Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dr. Max'ed Max'uud Biday oo ahaa hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Benadir ayaa shirweynihii sanadlaha ahaa ee Muasasada Benadir loogu doortay...
Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow ku dhawaaqay natiijada wareegga koowaad, marka la soo gabagabeeyay codeynta xildhibaannada. Natiijada wareegga koowaad. Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobe) 37 cod. Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed 15 cod Cabdiraxmaan Cali Jibriil 9 cod Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 5 cod. Wareega labaad waxaa usoo baxay,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobe) iyo Cabdi Jamaal...
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan (Abuukar Baalle) Khamiistii shalay ka dhax sheegay shirka Golaha Amaanka in aan la fara-galin siyaasadda gudaha Soomaaliya, labo maalmood kaddib markii ay dowladda Soomaaliya dalka ka eriday Nicholas Haysom oo ah wakiilka xoghayaha QM. ‘’Codsigeena Golaha Amaanka Wakiiladdooda waxaa ay leeyihiin Waajibaad...
  Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Warta-Nabadda Ex Wardhiigley, koox hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dishay taliyihii Saldhigga degmada. Taliyaha ayaa la sheegay in lagu toogtay meel aan ka fogeyn saldhigga degmada, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxdii dilka geysatay.   Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan...
Shir u dhaxeeyay musharrixiinta madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka  iyo Isimadda dhaqanka Puntland ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Garoowe, kulanka oo ka dhacay guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Puntland iyo go'aamo dhawaan uu soo saaray guddiga Amniga doorashada Puntland. Go’aamada kasoo baxay waxaa ka mid ah...
Xafladdan oo ahayd Mid uu Xilka kula Wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho. Waxaa ka soo qeybgalay Reysalwasare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiru Dowlaha Xafiiska...
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka dambe ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka. Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysatay in Nicolas Haysom aanan laga rabin dalka isla markaasna uusan kasii shaqeyn doonin...
Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay isku soo dhibeen tiradii ugu badneyd ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada isku dhiibay oo ka tirsanaa militariga Soomaaliya gaarayaan 13 Askari oo ka howlgalayay Aaga Ceelcadde ee gobolka Gedo. Saraakiisha Al-shabaab ayaa intaa ku daray in ciidamadan iyo hubkooda si...
Maanta ayaa lagu wadaa in si rasmi ah xilka loogu dhaariyo Ilhan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Koongaraaska ee dalka Mareykanka. Dhinaca kale guud ahaan maanta ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha cusub ee ku soo biiraya labada Aqal Congress- ka Maraykanka oo...