Magaalada Seoul oo Wafdi Ka Socda Dawladda Federalka Soomaaliya Shir Uga Qayb Galayaan.

0
357

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in magaalada Seoul ee Jamhuuriyada Kuuriyada Koonfureed uga qeybgalaan shir looga hadlayo arrimaha nabadda.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galaya ayaa Somaaliya ku matalaya shirka oo noqonaya markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ka qeybgasho.

Kulanka oo ah mid muhiim ah ayaa lagu wadaa in ay ka soo qeybgalaan qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Baarlamaanka dalalka caalamka.

Shirkan ayaa socon doona 7-11 Bishaan, waana markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay ka qeyb galeyso Shirkaasi.

Kulanka oo sanad walba la qabto waxaana inta badan lagu soo bandhiggaa sidda ugu haboon ee looga wada shaqeyn karo dimuqraadiyadda iyo nabad-galiyadda caalamka.