Faah Faahin Dheeraad ah oo Kasoo Baxeysa Gaadiid Dhuxul Sidey Gobolka Sh/hoose AL-shabaabna Dab Qabadsiiyeen.

0
460

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in gaadiid xamuulka qaada lagu gubay deegaanka Doonka oo ka tirsan gobolka waxaana la sheegay in falkaasi ka danbeeyeen xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in gaadiidkan lag gubay oo sida dhuxul jidgooyo u dhigteen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo halkaa dab ku qabadsiiyay.

Al-shabaab ayaa horay u mamnuucay in deegaannada ay maamulaan dhuxul laga shido dhirta, taasoo keenay ayaa la leeyahay ay gubaan dhuxushii saarneyd gaadiidka xamuulka ah ee ku safrayay gobolka Shabeellaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaadiidka qaarkood la gubay habeennimadii xalay halka kuwa kalana la gubay galinkii danbe ee maalintii shalay.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Al-shabaab ay dab qabadsiiyaan gaadiid kuwa xamuulka qaada ah, iyadoo dhowr jeer falal noocan oo kale ah ka sameeyay qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.