Inkastoo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres 04 bisha January uu sheegay in uu wakiil cusub u magacaabayo Soomaaliya, ayaa haddana dhinaca kale golaha Amaanka Qaramada Midoobey waxaa uu mar kale ku celiyay walaaca ay ka qabaan go’aankii dowladda Soomaaliya dalka uga saartay Nicholas Haysom oo ahaa ergeygii...
Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda Qaar Ka Socda ayaa Maanta Bilaabey in ay Kormeeraan Qaar Kamid ah Xisbiyada La Diiwaan Geliyey,kuwaasoo u Kuur Gelaya Hab sami u Socodka Hawlaha Xisbiyada iyo Xafiisyadooda,iyagoo Maanta Tagey Xarumaha Shan Xisbi Siyaasadeed kala ah Xisbiga Garsoor,Xisbiga NDP,Xisbiga...
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa guddi gaar ah oo baaritaan ku sameeya u saaray tacadiyadii ka dhacay magaalada Baydhabo xiliggii lagu guda-jiray u diyaar-garoowgga doorashadii madaxweynaha.
Lafta-Gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara tacadiyadii ka dhacay Baydhabo ee...
Xukuumadda Norway oo shaaca ka qaaday in lacag dhan 54.3 milyan oo dollar ay ku bixinayso dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dhaqaalahan ay Soomaaliya u soo marinayso Shirkado kala duwan oo hoos taga Bangiga Aduunka.
Dhaqaalahan ayeey sheegtay Norway in ay ugu talagashay in...
Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa goor dhow soo bandhigay habraaca doorashada iyo shuruudaha laga doonayo musharrixiinta tartamaya.
Shuruudaha laga doonayo musharrixiinta waxaa ka mid ah in muddo labo sanno ah uu musharruxu dalka ku sugnaa , diiwaangelinta musharrixiinta madaxweynaha waxaa laga dhigay $20,000 (Labatan kun),halka madaxweyne ku-xigeenka...
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo shalay ay xildhibaannadu doorteen ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan dowladda federaalka iyo wadashaqeyn uu la yeesho hay'adaha dowladda dhexe.
"Dowladda dhexe waa dowladeennii.. Puntland-na waa muhiim oo waa meeshii aan joogno oo salka iyo baridda ahayd , waxaan isku dayi...
Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey ,Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaddib go’aankii dalka ka mamnuucayay ee ay dowladda faderaalka Soomaaliya ay kusoo rogtay wakiilka Qaramada Midoobay ,Nicolas Haysom oo ah inaan dalka laga rabin.
War qoraal ah oo uu baahiyay...
Milatariga Marekanka ayaa la sheegay inuu xadidiyo duqeymaha uu la beegsado dagaalyahannada al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya,sida laga soo xigtay waaxda difaaca ee Marekanka.
Howlgallada milatariga Marekanka ee Soomaaliya ayaa gaabis noqday tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis xilka ka deggay bishii hore.
Labo sarkaal oo ka...
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD ee ka howlaga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii kulanku socday, Wasiir Cawad waxa uu kaga hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dhaqaallaha iyo bulshada. Waxa...
Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, markii uu helay wareeggii labaad ee doorashada 43 cod, halka musharraxa wareegga labaad kula tartamay ee Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.
Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Puntland , xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa...


















