Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la yeeshay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray casriyeynta Sharciga Ciqaabta Soomaaliya.
Kulanka, waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud.
Wada-hadallada ayaa ku saabsanaa dib-u-eegista hindise-sharciyeedka Sharciga Ciqaabta ee horyaalla Golaha Shacabka, si loo waafajiyo isbeddellada bulsho, dhaqaale iyo teknoolojiyadeed ee dalka ka dhacay.
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii sharcigu uga jawaabi lahaa noocyada cusub ee dembiyada, gaar ahaan kuwa la xiriira teknoolojiyadda iyo nidaamyada macluumaadka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in casriyeynta Sharciga Ciqaabtu ay muhiim u tahay xoojinta caddaaladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo sugidda amniga iyo kala dambeynta bulshada.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada dib-u-eegista iyo horumarinta nidaamka sharciyeed ee Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay in shuruucda dalka ay la jaanqaadaan baahiyaha bulshada iyo isbeddellada casriga ah.
Hindise-sharciyeedka ayaa weli horyaalla Golaha Shacabka, waxaana kulankan diiradda lagu saaray dib-u-eegistiisa iyo casriyeyntiisa.





