Muwaadin La Safray Qof u Geeryooday Xanuunka Ebola oo Soomaaliya Karantiishay.

0
8

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in si ammaan ah loo karantiilay muwaadin Soomaaliyeed oo la xaqiijiyey inuu la soo safray qof u geeriyooday cudurka Ebola, iyadoo aan weli la xaqiijin in muwaadinka laftiisu uu qabo cudurka.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay 12-ka Oktoobar 2026 ayay ku sheegtay in muwaadinka la karantiilay 11-kii Oktoobar, kaddib markii la ogaaday inuu la safray qof u dhintay cudurka Ebola.

Sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda, muwaadinka ayaa loo gudbiyey Xarunta Karantiilka iyo Daaweynta Cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho, halkaas oo lagu sameynayo qiimeyn caafimaad iyo dabagal lagu ogaanayo xaaladdiisa.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR) uu ogeysiis rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Uganda 10-kii Oktoobar 2026, kaas oo ku saabsanaa muwaadinka Soomaaliyeed. Sida qoraalku xusayo, muwaadinku wuxuu ka mid ahaa dadkii la socday diyaarad ka soo duushay dalka Uganda kuna sii jeeday dalka Kongo, isagoo soo maray Uganda.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in muwaadinka uu habeen ku hoyday hotel ku yaalla Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee dalka Uganda, kaddibna uu raacay diyaarad u socotay Muqdisho.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in 11-kii Oktoobar, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay xaqiijisay in muwaadinka uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo maray habraacyada caafimaadka ee socdaalka. Markii dambe, waxaa la ogaaday inuu ka mid ahaa dadkii la safray qof u geeriyooday Ebola.

Si looga hortago faafitaanka cudurka, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in muwaadinka loo gudbiyey xarunta karantiilka ee Isbitaalka Forlanini, halkaas oo lagu sameynayo qiimeyn caafimaad iyo dabagal joogto ah.

Wasaaraddu waxay caddeysay in aan weli la xaqiijin inuu muwaadinku qabo cudurka Ebola, iyadoo sheegtay in tallaabooyinka la qaaday ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xakameynayo khatarta cudurka iyo ilaalinta caafimaadka bulshada.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay bulshada ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan, kana fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin. Waxay sidoo kale ku boorrisay dadka inay raacaan talooyinka caafimaad ee rasmiga ah, ayna xogta cudurka ka helaan oo keliya ilo lagu kalsoonaan karo.