Mowqifka Dawladda Soomaaliya ee Xiisadda Gobolka iyo Xiriirka Itoobiya oo uu Ka Hadlay Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Debedda Soomaaliya.

0
8

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa ka hadlay mowqifka dowladda Federaalka ee ku aaddan xiisadaha gobolka, xiriirka dalalka ay wada-shaqaynta leeyihiin iyo baahida loo qabo in Soomaaliya ilaaliso madaxbannaanideeda iyo danaheeda qaran.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan oo xaq u leh inay ka shaqeyso danaha iyo maslaxadda dadkeeda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda lagu saleeyo mowqif cad oo waafaqsan danaha qaranka.

Isaga oo ka hadlayay su’aal la xiriirtay mowqifka dowladda iyo xiriirka wada-shaqayneed ee ay la leedahay dalalka gobolka gaar ahaan heshiskii dhowaan ay wada saxiixdeen dalalka Masar, Soomaaliya, Sudan iyo Eritrea, ayuu sheegay inaanay jirin wax warqad rasmi ah oo dowladda kasoo gaartay oo ku saabsan arrinta laga hadlayo, isaga oo kala saaray hadallada baraha bulshada iyo suuqa laga faafiyo iyo mowqifyada rasmiga ah ee dowladda.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay saameynta ay yeelan karaan sawirrada iyo muuqaalada siyaasadeed ee laga dhex muuqdo shirarka ay ka qaybgalayaan dhinacyada ay isku hayaan dalalka gobolka. Waxa uu tilmaamay in tallaabooyinka noocaas ahi ay yeelan karaan fasiraado siyaasadeed oo ka baxsan ujeeddada laga lahaa.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay tahay inay ilaaliso dhexdhexaadnimadeeda, isla markaana ay door ka qaadato fududeynta wada-hadalka iyo iskaashiga gobolka, halkii ay si buuxda ula safan lahayd dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya khilaafaadka.

Xasan Maxamed Cali ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ku ekaato siyaasaddeeda madax-bannaan, isaga oo ka digay in mowqifyada siyaasadeed ee isbeddelaya ay dhaawici karaan xiriirrada amni, ganacsi iyo wada-shaqayneed ee gobolka.

Ugu dambayn, wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in Soomaaliya aanay cidna si gaar ah ugu eexanayn, balse ay xaq u leedahay inay si cad u qeexdo mowqifkeeda, iyadoo mudnaanta siinaysa madaxbannaanida dalka, amniga iyo danaha ganacsi ee shacabka Soomaaliyeed.