Tuesday, July 21, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Iiraan ay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalalka Baxrayn iyo Kuweyt, kadib markii Maraykanku maalintii labaad oo xidhiidh ah duqeymo ka fuliyay xeebaha koonfureed ee Iiraan. Iiraan ayaa sheegtay inay weerarro aargoosi ah ku qaaday saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku...
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho lagu xiray Cabdikariim iidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha musuqii ballaarnaa ee la xiriiray barnaamijkii "Feeding Our Future", kaas oo lagu lunsaday ku dhowaad 250 milyan oo doollar xilligii cudurka COVID-19. Sida ay saraakiisha federaalku sheegeen, Cabdikariim iidle oo 42...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay hadallo uu jeediyay agaasimihii hore ee Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo wareysi siiyay Telefishinka Shabeelle. Sanbaloolshe ayaa wareysigaas ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu doonayo inuu dilo intii ku jirtay weerar...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku dhawaaqay magacaabista muwaadinka Soomaaliyeed ee Mohamed Yahya inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani'aadannimada iyo Ku-xigeenka Isku-duwaha Gurmadka Degdegga ah ee xafiiska QM ee isku xirka arrimaha gargaarka OCHA. Maxamed Yahya ayaa xilkan kala wareegaya Joyce Msuya oo u dhalatay...
Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay u diidday gelitaanka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, islamarkaana dib ugu soo celisay Muqdisho, kadib muran ka dhashay eedeymo la xiriira baasaboor Kenyan ah oo lagu tuhunsan yahay inuu si sharci darro ah ku helay sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya. Sida ay...
Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim, ayaa sheegay in dowladda federaalku ay xaq dastuuri ah u leedahay qorista iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka meel kasta oo Soomaaliya ka tirsan, isagoo jawaab ka bixiyay amarro dhowaan kasoo baxay Puntland oo lagu sheegay inaan ciidamo federaal ah laga howlgelin...
Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansaar Allah (Xuutiyiinta), Cabdulmalik Al-Xuuthi, ayaa sheegay in aanay "gacmaha ka laaban doonin" haddii Israa'iil isku daydo inay "Somaliland" u beddesho saldhig ay ka maamusho Gacanka Cadmeed, marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badda Cas. Khudbad uu jeediyay munaasabadda tobnaadka bisha Muxarram ayuu Al-Xuuthi ku sheegay in shacabka Yemen ay...
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta ka hadlaayay magaalada Kismaayo ayaa marka hore ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay deegaannada Adhicadeeye iyo Jalalaqsi, isagoo ku tilmaamay dhacdooyin murugo leh oo aan loo baahnayn inay dhacaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka noocan ah...
Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo ku-meel-gaar ah oo lagu adkeynayo helitaanka fiisooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaddib markii warbixin rasmi ah lagu qiimeeyay heerka wada-shaqaynta Soomaaliya ee dib u qaadashada muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Yurub si sharci-darro ah. Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya aysan weli muujin...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Macalin Cali (Sacdiya Bajaaj), oo muddo ku dhow 80 maalmood ku xirnayd xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Go’aanka ayaa lagu dhawaaqay fadhi ay maxkamaddu qabatay, kaas oo uu guddoominayay guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay...