Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgallo amni oo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan bariga gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu sheegay in looga saaray dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay taliska ciidanka.
Saraakiisha howlgalka horkacaayay ayaa sheegay in howlgalladu ay ahaayeen kuwo lagu beegsanayay goobo ay kooxda...
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si cad ugu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay mas’uul ka tahay dagaalladii cuslaa ee labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Mudanayaasha ayaa sheegay in rabshadahaasi ay ka dhasheen tallaabooyin ay qaadday dowladda federaalka, iyagoo hoosta...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira guud ahaan dalka iyo saameynta ba’an ee ay ku yeesheen helitaanka biyaha iyo cuntada.
Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay...
Magaalada Baydhabo, xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa saaka mar kale waxaa dib uga qarxay dagaal culus, kaas oo galay maalintii labaad, iyadoo la maqlaayo adeegsiga hubka culus isla markaana iska hor imaadyadu ku fideen xaafado cusub oo magaalada ka mid ah.
Afhayeenka Madaxtooyadda Koonfur...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, inkastoo ay jiraan khilaafaad ka dhex taagan Baarlamaanka Federaalka iyo diidmo ay muujinayaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga...
Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay doorashada Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Insaanka Soomaaliya, doorasho si gaar ah indhaha loogu hayay maadaama ay go’aaminayso jihada iyo hannaanka uu guddigu qaadi doono afarta sano ee soo socota.
Doorashada Guddoomiyaha ayaa waxaa ku guuleysatay Dr. Maryan Qaasim Axmed, kadib...
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha CXDS, kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Xil wareejinta ayaa u dhexeysay Taliyihii hore Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha cusub Janaraal Ibraahim...
La-taliyaha Amniga Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in hubka sharci-darrada ah uu si sahlan ku soo galo gudaha Puntland, isla markaana ay jiraan ganacsato si gaar ah uga shaqeeya soo gelinta hubkaas, kuwaas oo awood u leh inay si degdeg ah u keenaan noocyo kala duwan...
Dowladda Finland ayaa beenisay warqad lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in ay ka fiirsanayso wada-shaqayn toos ah oo ay la yeelanayso Somaliland, isla markaana ay u ololeyn doonto aqoonsiga Somaliland.
“Qoraalka ku faafaya barta X ee lagu sheegay in uu ka soo baxay Finland waa been,” ayaa lagu...
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Oleg Salagay, ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dowladood.
Waxa uu ka tarjumaya heshiiskaan xiriirka qotada dheer ee...


















