Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay isa soo tarayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee halkaasi ka jira.
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub si dhow...
Shirkadda Maraykanka ah ee Apache Corporation, oo kaashanaysa Hay’adda Guud ee Shidaalka Masar (Egyptian General Petroleum Corporation), ayaa shaacisay inay heshay kayd cusub oo gaas dabiici ah, kaddib markii ay qodday ceel tijaabo ah oo lagu magacaabo SKAL-1X, kaas oo ku yaalla aagga Koonfurta Kalabsha ee lamadegaanka galbeed ee...
Gantaallo ay Iiraan soo ridday ayaa ku dhacay qaybo ka mid ah magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil, taas oo sababtay burbur ballaadhan oo soo gaadhay dhismayaal iyo dhimashada ugu yaraan afar qof. Weerarkan ayaa si toos ah u saameeyey goobaha rayidka ah, iyadoo jugta qaraxyadu ay gilgileen xaafado...
Odayaasha dhaqanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay dadaalo fiican ka sameeyeen sidii loo joojin lahaa xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka taagan deegaannada maamulkaas, kaddib kulamo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.
Ugaas Shire Ugaas Warsame, oo ka mid ah madax dhaqameedka...
Dagaalka ka socda Gaza iyo dhiigga daadanaya ee shacabka Falastiiniyiinta ah waxa uu noqday mid si qoto dheer u taabtay qalbiyada Muslimiinta iyo dadka damiirka leh ee dunida. Inkasta oo ay tahay musiibo bani’aadamnimo oo murugo leh, haddana waxaa jirta aragti kale oo tilmaamaysa in dhacdooyinkan ay keeni karaan...
136 Xildhibaan oo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo dhoweeyay go’aanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku aaddan qabashada doorashooyinkeeda iyo magacaabista guddiga doorashada, iyagoo ku tilmaamay tallaabo waafaqsan dastuurka.
War-murtiyeed kasoo baxay xildhibaannadan ayaa lagu sheegay in doorashooyinka la qorsheeyay ay tahay in ay noqdaan kuwo...
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay hub la sheegay in laga keenay dalka Masar oo loo gudbinayo kooxo hubeysan oo lala xiriirinayo maleeshiyaad iyo kooxo xagjir ah, isagoo sheegay in arrintaasi ay khatar ku tahay amniga guud ee dalka.
War ka soo baxay Wasaaradda Amniga...
Dowladda Iran ayaa ku hanjabtay inay beegsan doonto kaabeyaasha muhiimka ah ee tamarta iyo biyaha ee dalalka Khaliijka, haddii Maraykanku uu fuliso qorshe uu ku weerarayo shabakadda korontada ee dalkaas. Hanjabaaddan ayaa sii xoojisay xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Bariga Dhexe.
Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo saartay amar si ku meel gaar ah u joojinaya xil magacaabista iyo xil ka qaadista heer degmo iyo heer gobol ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa tallaabadan u sababaysay xaaladaha siyaasadeed iyo amni oo ka jira deegaannadaas, iyadoo...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hanjabaad culus u diray dalka Iiraan, isaga oo sheegay in Maraykanku burburin doono xarumaha waaweyn ee korontada haddii aan si buuxda dib loogu furin marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz muddo 48 saacadood gudahood ah.
Trump ayaa qoraal uu ku soo dhigay baraha bulshada ku sheegay...


















