Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa Axadda ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo lagu waday inay dhacdo 18-ka May 2026.
War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in hakinta doorashada ay la xiriirto sugitaanka go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo loo gudbiyay dacwad ku saabsan ansixinta natiijooyinka doorashada.
Guddiga ayaa sheegay in dacwaddaasi ay waafaqsan tahay qodobbada sharciga doorashooyinka ee siinaya Maxkamadda Sare awoodda dib-u-eegista iyo ansixinta natiijooyinka doorashooyinka ay guddigu qabtaan.
“In kasta oo jadwalkii doorashada hore loo shaaciyay, haddana guddigu wuxuu sugayaa go’aanka Maxkamadda Sare si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo sharciyadda habraaca doorashada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale xusay in marka ay helaan jawaabta Maxkamadda Sare, ay sii wadi doonan fulinta waajibaadka doorashada, oo ay ku jiraan shaacinta jadwalka dhageysiga xubnaha la doortay iyo dhismaha hoggaanka Golaha Wakiillada.













