Dawladda Federalka Soomaaliya oo Shaacisay in Dalku Galay Wajiga Doorashooyinka Qof iyo Cod.

0
5

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu si rasmi ah u galay marxalad cusub oo loo guurayo nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorasho qof iyo cod ah, kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ee lala lahaa qaar kamid ah mucaaradka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda ay gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee la xiriira hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo muwaadiniinta siinaya xaqooda ay ku dooran karaan kuna doorsoomi karaan hoggaanka dalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda ay muddooyinkii dambe wadatashi la sameyneysay daneeyayaasha siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si loo dhageysto aragtiyahooda ku aaddan hannaanka doorashooyinka.

Si kastaba, dowladda ayaa sheegtay in xubno kamid ah mucaaradka ay miiska keeneen aragtiyo ay ku tilmaamtay kuwo ka hor imaanaya xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed uu u leeyahay inuu wax doorto lana doorto.

Dowladda Federaalka ayaa ugu dambeyn xaqiijisay in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan dastuurka, shuruucda dalka iyo barnaamijka siyaasadeed ee dowladda, iyadoo mar kale adkeysay in albaabka wada-hadalka iyo wadatashiga uu weli u furan yahay dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Waxaaa indhaha lagu hayaa oo la dhowrayaa qaabka ay iyagana uga jawaabi doonaan Mucaaradka wada hadaladii fashilmay ay la lahaayeen Dowladda oo Beesha Caalamka ay garwadeen ka ahaayeen.

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in dalka uu galay wejiga doorasho qof iyo cod ah