Urur-goboleedka (IGAD) ayaa soo dhaweeyay wadahadalladii Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 13 illaa 15 May 2026.
IGAD ayaa carrabka ku adkeysay in wadahadal siyaasadeed oo joogto ah uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida Soomaaliya, xoojinta nidaamka dimuqraadiyadeed iyo horumarinta dhismaha dowladnimada dalka.
“Dhammaan dhinacyada Soomaalida waa inay raadiyaan xalal xoojinaya midnimada qaranka, kalsoonida shacabka iyo xasilloonida muddada dheer,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ururku wuxuu sidoo kale xaqiijiyay taageeradiisa ku aaddan dadaallada ay Soomaalidu hoggaaminayso ee lagu horumarinayo dowlad loo dhan yahay, nabadgelyada iyo mustaqbal deggan oo dalka iyo gobolka Geeska Afrika ah.













