Ciidanka hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa galinkii dambe ee Shalay howlgalo qorsheysanaa ka fuliyay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.
Warsaxafadeed kasoo Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgaladaasi lagu dilay ilaa sagaal xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo ku sugna...
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaa kala saxiixday dhaqan-gelinta Heshiiska Iskaashiga iyo Horumarinta Waxsoosaarka Badda ee ay horey ugu heshiiyeen Labada dhinac, kaas oo muhiim u ah ilaalinta iyo horumarinta khayraadka badda (Blue Economy).
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Ankara...
Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo loo haysto inuu ku dilay habeen hore degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanaayay mooto Bajaaj.
Eedeysanahan oo ay gacanta kusoo dhigan ciidanka Booliiska ee ka howlgala degmada Deyniile...
Qodista Shidaalka Somaliland oo Lagu Dhawaaqay Waqtiga ay bilaabaneyso iyo Shirkadaha ka Hawlgelaya.
= Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dhawaaqay in qodista shidaalka qaydhiin ee Somaliland ay ku bilaabmi doonto muddo laba sano ah gudahood.
Madaxweynaha oo ka hadlay munaasibadda Carwada Macdanta Somaliland oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in qodista shidaalku ay si...
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Safiir-ku-xigeenka Dowladda Faransiiska u fadhiya dalka Kenya, Romain JOLY, iyo wefti uu hoggaaminayey, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.
Weftigan ka socday Faransiiska ayaa ahaa kii ugu ballaadhnaa ee booqasho rasmi ah ku yimaadda Somaliland....
Xildhibaan Ilhan Omar oo ka tirsan Koongareeska ayaa ka dalbatay maamulka Trump in ay sharaxaan hawlgalka ICE ee ka socda gobolkeeda Minnesota ayna caddeeyaan sababta ay uga fiirsanayaan ka noqoshada ama ka laabashada sharciga TPS ee ilaaliya boqolaal Soomaali ah oo aan sharci haysan.
Ilhan Omar waxay codsiyadan ku dirtay...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa xilka looga qaaday qaar ka mid ah wasiiradii hore, waxaana sidoo kale lagu magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada.
Wareegtada waxaa Wasiirka...
Hidisaha Xeerka Cusub ee Booliska Soomaaliya oo Barlamaanka Federalku Aqrintiisii 1’aad Guda galeen.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay doodda la xiriirta akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kadib kulan ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ahaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 21-aad, ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur...
Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose ka fuliyay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Howlgalkaan ciidanka Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen magaalada Qooqaani ayaa ahaa mid lagu xaqiijinaayay amniga guud ee magaaladaas iyo deegaanada ku dhadhaw.
Taliyaha amniga magaalada Qooqaani Maxamuud Aadan Xasan Gaaboow oo howlgalkan hoggaaminayay...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u dhaliilay wareysi uu bixiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ammaanka magaalada Muqdisho ku sheegay mid aan la isku haleen karin.
Wasiir Fiqi ayaa ku eedeeyay Shariifka iyo xubno kala tirsan madasha samatabixinta inay diideen saddex arrimood...


















