Wednesday, July 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay markabkii ugu horreeyay ee qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo dib u soo nooleyneysa sumcadda iyo awoodda badda ee dalka. Markabka la diiwaangeliyay oo lagu magacaabo...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre, Kulankan ayaa lagu ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo xeer-nidaamiyayaal muhiim u ah horumarinta hay’adaha dowladda, xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dardargelinta kobaca dalka. Sharciyada iyo heshiisyada la ansixiyey waxaa ka mid...
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in dowladdu ay joojin doonto lacago uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo laga qaado beerlayda, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono dadka loo yaqaan “gate keeper”-ka ee dadka ka soo kaxeeya dhulka beeraha. Wasiirku wuxuu...
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta furay kulan wadatashi ah oo diiradda lagu saaray dhismaha Guddi Qaran ee hirgalinta Xeerarka Caalamiga ah ee Xilliga Dagaalka. Kulanka oo ay ka qeybgaleen khubarro ka socotay Hay’adda ICRC, mas’uuliyiin dowladeed iyo ururrada bulshada...
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golaha wasiirrada, guddoomiyayaasha gobollada Puntland iyo hay'adaha kale ee dowliga ah, sida lagu shaaciyay wareegto goor dhowayd ay faafisay madaxtooyada Puntland. Liiska wasiirrada cusub ayaa ka kooban 43 xubnood oo loo kala magacaabay wasaarado kala duwan, kuwaas oo...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Muqdisho ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka, isaga oo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida madaxtooyadu sheegtay, guulaha ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iska kaashadeen, kuwaas oo...
Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gashay marxalad cusub oo dhanka tamarta ah kaddib markii markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu toddobaadkan soo gaaray biyaha dalka, gaar ahaan goobta ceelka lagu magacaabo Curad-1. War kasoo baxay Transparency Somalia Initiative (TSI) ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay muujinayso isbeddel muhiim...
Madaxweynihii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynaha, sida uu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook. Go’aankan ayaa imaanaya saacado kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ee...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay magaalada Baydhabo wax yar kaddib markii duleedka magaalada dagaal kula galeen ciidamada koonfur Galbeed. Muuqaallo laga soo duubay magaalada ayaa lagu arkayay taliyaha dhawaan loo soo magacaabay ciidanka Booliiska gobolka Baay, Saddiiq Doodishe iyo ciidamo uu hoggaaminayay oo socod lug ah marayay...
Ururka Goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo xaaladda ka taagan Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. War-saxaafadeed kasoo baxay IGAD ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan kororka xiisadaha, iyadoo dhinacyada oo...