Wednesday, July 22, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu Jimcaha soo gaari doono gudaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka bilaabi doono howlgalka ugu horreeya ee qodista shidaalka ee badda. “Jimcaha, markabkeena Çağrı Bey wuxuu imaan doonaa Soomaaliya. Markabkan ayaan ku...
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa sheegay in maamulkiisu uu si buuxda u taageersan yahay dhamaystirka iyo wax ka beddelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Firdhiye ayaa sidoo kale ku baaqay dardargelinta hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed...
Dekedda Islaamiga ah ee Jiddah ee dalka  Sacuudi Carabiya ayaa bilowday adeegyo cusub oo maraakiib ah oo si toos ah ugu xidhaya dekedaha Berbera  iyo Jabuuti, taas oo qayb ka ah qorshe lagu ballaadhinayo isku xidhka ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah. Hay’adda Dekedaha Sacuudiga ee Mawaani ayaa shaacisay in...
Murashax Madaxweyne Dr. Suldaan Cabdiqani Maxamed ayaa si rasmi ah u soo bandhigay aragti siyaasadeed oo xooggan, taas oo ku dhisan hal-ku-dhigga “Amni iyo Amaan” — tiir-dhexaadka uu ka dhigayo mustaqbalka dowladnimo ee Soomaaliya. Ololihiisa ayaa si weyn u soo jiitay dareenka shacabka, gaar ahaan marka la eego xaaladda...
Hoggaamiyaha militariga ee dalka Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa u sheegay shacabka dalkiisa inay “iska illaawaan dimuqraadiyadda,” isaga oo hadalkan ka jeediyay wareysi uu sii daayay telefishinka qaranka dalkaas. Traoré, oo talada dalka ku qabsaday afgambi dhacay bishii Sebtembar 2022, kadib markii uu xilka ka tuuray hoggaan militari oo hore,...
Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Puntland ayaa faray dhammaan Wasiirrada, Wasiir-ku-xigeennada, iyo Wasiirrada Dowliga ah inay soo gudbiyaan hantidooda gaarka ah muddo bil gudaheed ah marka ay xilka qabtaan, sida ku cad Qodobka 77aad ee Dastuurka Puntland. Xisaabiyaha Guud, Cusmaan Maxamuud Cali, oo warqad u diray Golaha Wasiirrada iyo mas'uuliyiinta kale...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Cabdirashiid Jibril, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, wasiiro, saraakiil...
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in diyaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ah nooca F-15, lagu soo riday gudaha dalka Iran, iyadoo ciidamada Maraykanku ay bilaabeen howlgallo raadin iyo badbaadin ah oo lagu doonayo in lagu helo shaqaalaha diyaaradda, sida ay sheegtay New York Times. Warbaahinta dowladda Iran ayaa Jimcaha...
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo su’aal geliyay in hoos loo dhigay awoodii maamulkaas oo loo rogay awood hoose oo si toos ah uga amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya. Cumar Cabdirashiid ayaa...
Murashax madaxweyne Cabdinuur Axmed Darmaan ayaa sii xoojinaya ololihiisa siyaasadeed ee uu ku doonayo hoggaanka dalka, kaddib socdaallo uu ku maray qaar ka mid ah dalalka caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka. Ololahan oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa ujeedkiisu yahay kasbashada taageerada jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo xoojinta...