Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee hannaanka doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, iyadoo maalinta codbixinta si rasmi ah loogu asteeyay 20-ka Agoosto 2026.
Sida ku cad jadwalka, hannaanka doorashadu wuxuu ka bilaabanayaa 5-ta Agoosto diiwaangelinta iyo qaybinta go’aannada codbixiyeyaasha, waxaana xigi doona asteynta iyo shaacinta xarumaha codbixinta, soo gudbinta liisaska hordhaca ah ee codbixiyeyaasha, gudbinta wakiillada ururrada siyaasadda ee goobaha codbixinta, hubinta iyo xaqiijinta liisaska musharraxiinta, iyo ugu dambayn shaacinta liiska kama dambaysta ah ee musharraxiinta ururrada siyaasadda.
Jadwalkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Guddiga Doorashooyinka ee hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee dowlad-goboleedyada dalka.
Guddigu wuxuu ugu baaqay ururrada siyaasadda, musharraxiinta iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso inay u hoggaansamaan jadwalka iyo habraacyada la dejiyay si loo xaqiijiyo doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Si ka muuqata Jadwalka maanta Guddiga ay soo saareen waxa ay howshaan si dhameystiran u guda galayaan markeey kasoo faraxashaan Doorashada hadda ka socota degaanada Dowlad Goboleedka Galmudug.






