WAR-SAXAAFADEED
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed
Gudiga Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan-aragga, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Ururka, Cali Maxamed Nuux (Timajilic). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warqadaha iyo qoraallada ay dibadda u dirayaan kooxda isku magacawday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Dood iyo falanqayn kaddib, waxaa kulanka ka soo baxay qodobadan:
- Ururku wuxuu cambaareynayaa warqadaha iyo qoraallada loo dirayo beesha caalamka ee uu ururku u arko kuwo wax u dhimaya madaxbannaanida, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.
- Ururku wuxuu soo jeedinayaa in kooxaha ku howlan falalka noocaas ah aan loo aqoonsan mucaarad siyaasadeed oo lagala tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, balse loo arko kuwo ka soo horjeeda dowladnimada, horumarka iyo danaha Qaranka.
- Ururku wuxuu ugu baaqayaa kooxaha mucaaradka sheegta inay ka fiirsadaan isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee ka muuqda doorashooyinka ka socda Galmudug, halkaas oo muwaadiniintu ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan iyagoo ka fogaanaya kala sooc qabiil.
- Ururku wuxuu ku dhawaaqayaa inuu qaban doono shir ay isugu imaanayaan dhammaan ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan kana qeybgalaya doorashooyinka, si looga wada tashado maslaxadda Qaranka, xoojinta wadajirka bulshada iyo horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda.
- Ugu dambeyn, Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa dhammaan ururrada siyaasadeed, musharraxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed in ololayaasha doorashada aan loo adeegsan qabiil iyo qabyaalad.
“Waxaan nahay hal ummad, hal dal iyo hal mustaqbal. Qabyaaladdu meel kuma laha dhismaha Soomaaliya casriga ah.”
Dhamaad
Xafiiska Afhayeenka
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed
Prf. Cabdullaahi Maxamed Aadan (Salaamullaah).














