Sugidda Amniga Marinka Bab al-Mandab oo Ciidamada Ilaalada Badda Somaliland Sheegeen in ay Xaqiijin Doonaan.

0
7

Warbaahinno caalami ah ayaa maalmihii u dambeeyey baahiyey warbixino ku saabsan doorka ay Somaliland sheegtay inay ka qaadanayso sugidda ammaanka marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, xilli gobolka Badda Cas uu wajahayo xaalado amni oo sii cakiran.

Hadaba, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Xaari Xariye, ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay inay ka qayb qaadato ilaalinta ammaanka Bab al-Mandab, iyadoo la shaqaynaysa saaxiibbada heer gobol iyo kuwa caalami ah si loo xoojiyo nabadgelyada marin-biyoodka.

Taliyuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay hirgelinta xeerarka caalamiga ah ee badaha iyo xoojinta iskaashiga lagu ilaalinayo xorriyadda isu-socodka maraakiibta ganacsiga, isaga oo xusay in Bab al-Mandab uu yahay mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee ganacsiga adduunka.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in hadalladan ay imanayaan xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee Badda Cas, gaar ahaan weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga, kuwaas oo horseeday dadaallo caalami ah oo lagu xoojinayo ammaanka marin-biyoodka.

Sidoo kale, warbaahinta baahisay warkan ayaa sheegtay in hadallada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ay muujinayaan dadaalka Somaliland ay ku doonayso inay ku ballaadhiso kaalinteeda dhinaca amniga badda iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya amniga gobolka.

Bab al-Mandab ayaa ah marin-biyood muhiim u ah isku xidhka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana mara qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah, taas oo ka dhigaysa goob muhiimad istaraatiiji ah u leh dalalka gobolka iyo quwadaha caalamiga ah.