Horjooge lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow oo watay qori AK-47 ah iyo booshkiisa ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii uu ka soo baxsaday weerarro ay ciidamada dowladda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan...
Sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabirisaaq Wayrax ayaa loo taxaabay xabsiga magaalada Garowe.
Sarkaalkan ayaa maalmo kahor warbaahinta ka sheegay cabashooyin la xiriiray mushaar la’aan iyo xaalado dayac caafimaad ah oo uu sheegay inay wajahayaan saraakiisha iyo ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan xerada...
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cali Yusuf Cali Xoosh ayaa sheegay in doorashada guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ay bilaaban doonto kadib munaasabadda Ciid al-Adxa, iyadoo xubnaha golayaasha deegaanka ay dooran doonaan hoggaanka degmooyinkooda.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad tababar loogu qabtay xubnaha golayaasha deegaanka ee...
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay rajeynayso inay lix illaa sagaal bilood gudahood kusoo gabagabeyso howlgalka qodista shidaalka ee ka socda biyaha Soomaaliya, haddii ay saamaxaan xaaladaha cimilada iyo hawadu.
Erdoğan ayaa tilmaamay in howlgalkaasi uu leeyahay “muhiimad taariikhi ah,” maadaama uu yahay baaritaankii ugu...
Taliyaha guud ee ciidanka Pakistan, Asim Munir, ayaa Jimcihii booqasho ku tegay dalka Iran, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu xakameeyo xiisadda gobolka iyo in la soo afjaro dagaalka...
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Said Abdullahi Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay dowladnimada, midnimada dalka iyo horumarka Soomaaliya.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu Cali Xoosh ku sheegay in qoraalkii shalay kasoo...
Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan iskaashiga dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kaddib kulan ka dhacay magaalada Ankara oo ay yeesheen Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Ayuub Yuusuf Ismaaciil iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Dhismaha Turkiga, Abdulkadir Uraloglu.
Kulanka oo lagu qabtay xarunta...
Safaaradda Soomaaliya ee South Africa ayaa digniin amni u dirtay dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, iyadoo laga cabsi qabo bannaan-baxyo iyo rabshado ka dhaca qaar kamid ah gobollada dalka.
Safaaraddu waxay ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, kana fogaadaan goobaha laga dareemayo khataraha amni iyo...
Puntland ayaa sheegtay in Soomaaliya ay gashay marxalad siyaasadeed oo halis ah, iyagoo sheegay in muddo xileedkii hay’adaha Federaalka uu dhammaaday, islamarkaana aysan hadda jirin hannaan sharci ah oo lagu sii wadi karo maamulka dowladda Federaalka.
war-saxaafadeed ka soo baxay shir ay Golaha Wasiirrada Puntaland ku yeesheen magaalada Garowe, oo...
Dowladda Masar ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Somaliland ay ku furatay waxa ay ugu yeertay “safaarad” magaalada Qudus ee la haysto, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid sharci-darro ah oo ka hor imaaneysa qawaaniinta caalamiga ah.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Qaahira ay “si...


















