Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 8 sano oo xabsi ah ku xukuntay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kaddib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu ku soo oogay dacwad la xiriirta ka mid ahaanshaha Al-Shabaab, maalgelinta falalka argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, baaritaannada iyo caddeymaha loo gudbiyay maxkamadda ayaa muujiyay in eedeysanuhu akoonkiisa mariyey lacag dhan 763,353.45 dollar, taas oo Xeer Ilaalintu sheegtay in loo adeegsaday maalgelinta hawlo argagixiso iyo dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah.
Xafiisku wuxuu sheegay in lacagahaasi ay la xiriireen maalgelinta falal ay ka mid yihiin qaraxyo, dilal iyo falal kale oo ay ku eedeeyeen kooxda Al-Shabaab.
Iyadoo la tixraacayo caddeymaha loo soo bandhigay, sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, maxkamaddu waxay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ku xukuntay 8 sano oo xabsi ah, iyo ganaax lacageed oo dhan 15,000 dollar.
Maxkamaddu sidoo kale waxay amartay in la baabi’iyo akoonka uu leeyahay eedeysanuhu, isla markaana hantida ku jirta akoonkaas lagu wareejiyo dowladda.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay inuu sii wadi doono dadaallada lagula dagaallamayo maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah.
Xafiisku wuxuu sidoo kale digniin u diray dadka ku lug leh falalka noocaas ah, isagoo sheegay in sharciga la horgeyn doono cid kasta oo lagu helo dambiyadaas.
War-saxaafadeedka Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ku soo beegmaya xilli hay’adaha amniga iyo garsoorka Soomaaliya ay kordhinayaan tallaabooyinka ka dhanka ah shabakadaha lagu tuhunsan yahay maalgelinta iyo taageerada kooxaha hubeysan.





