Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga horyimid xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo cambaareeyay qorshaha la sheegay in Somaliland safaarad uga furanayso Israa’iil, gaar ahaan magaalada Qudus ee la haysto.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabad ciida ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ayna...
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay doorasho loo siman yahay oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta doorashada maamulkaasi.
Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda Ciiddul Adxaa, ayaa sheegay...
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada cusub ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya, kadib doorashadii isku-sidkanayd ee dhacday 10-kii May 2026.
Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha guddiga, kuna taariikhaysan 25 May 2026, ayaa lagu sheegay in natiijada...
In ka badan hal milyan iyo bar xujaaj ah ayaa maanta taagan bannaanka Carafo si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee waajibaadka Xajka, kadib markii ay dhegeysteen khudbaddii maalinta Carafo oo uu jeediyay Sheekh Ali Al-Hudhaifi.
Khadiibka ayaa khudbaddiisa kaga hadlay muhiimadda ay leedahay cabsida Alle, midnimada Muslimiinta iyo...
Xilli Wada Hadalo Ka Socdaan Bariga Dhexe oo Israa’iil iyo Mareykanku Weerareen Koofurta Dalka Iran.
Dowladaha Maraykanka iyo Israel ayaa qaaday weerarro lagu bartilmaameedsaday goobo militari oo ku yaalla koonfurta Iran, xilli wada-hadallo uga socdaan dhinacyada dalka Qatar, isla markaana uu Maraykanku shalay sheegay in wadahadaladu meel fiican marayaan.
Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay duqeeyeen goobaha laga gano gantaallada iyo maraakiibta miinooyinka dhigta ee ku...
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed (KGS), kadib fadhiyo is xigxigay oo ay ku eegaysay dacwado iyo hannaanka doorashada.
Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka la xiriira qaabka doorashooyinka...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isaga oo ku eedeeyay inuu hurinayo qalalaase iyo “rabshado siyaasadaysan” oo ka dhan ah amniga iyo xasilloonida Muqdisho.
Muungaab oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in...
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu hoggaamiyeyaasha dalal Carbeed iyo Muslimiinta ka codsaday inay caadiyeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin Israa'iil haddii uu guulaysto heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Iran, sida uu qoray wargeyska Axios.
Warbixinta ayaa sheegtay in Trump codsigan ku sheegay kulan dhinaca telefoonka ah oo Sabtidii...
Safaaradda Soomaaliya ee Masar ayaa sheegtay inay wadday dadaallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kadib markii tobannaan muwaadiniin Soomaaliyeed lagu hakiyay ama laga celiyay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ah ee Qaahira, iyadoo Masar ay si lama filaan ah u hakisay nidaamkii dal-ku-galka ee ay hore Soomaalidu ugu geli jireen dalkaas.
Bayaan ay...
Wasiirrada arrimaha dibadda ee 15 dal oo ay ku jiraan Sacuudiga, Masar, Qatar, Turkiga, Soomaaliya iyo Pakistan ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo lagu sheegay in Somaliland ay safaarad uga furatay magaalada Quddus ee la haysto.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen dalalkan ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay...


















