Gudiga Doorashada Beeniyey in ay Ururka Towfiiq ka Reebeen Doorashada Galmudug Balse ay iyagu Soo Gudbinin Murashaxiintaada.

0
6

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa been aan sal iyo Raad laheyn ku Tilmaamay Wararka sheegaya in Xisbiga Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Laga reebay xisbiyada ka Tartami doona inay ka qayb galaan doorashada ku-celiska ah ee laga qabanayo deegaannada Galmudug 30-ka September 2026.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray maanta ayuu ku shaaciyay liiska xisbiyada loo oggolaaday inay u tartamaan doorashada ku-celiska ah ee kuraasta Golaha Deegaanka Galmudug, iyadoo liiskaas oo ka kooban 12 xisbi uusan ku jirin Xisbiga Towfiiq, waxaana uuna Guddigu ku wargeliyay Ururrada Siyaasadda iyo daneeyeyaasha doorashooyinka isku-sidkan ee Dawlad-Goboleedka Galmudug in ay xirantay soo gudbinta Liisaska Murashaxiinta ka tartamaya doorashada ku-celiska ah ee Dawlad-Goboleedka Galmudug.

Gudiga Doorashada ayaa Sheegay in ay Hore u Shaaciyeen Jadwelka Soo gudbinta Murashaxiinta isku Sidkan ee Doorashada Ku Celiska ah ee Galmudug ayna 12 kaas urur Siyaasadeed Noqdeen kuwo Murashaxiintii Laga rabey Soo Gudbiyey,Majirto Murashixiin ay Soo Gudbiyeen Ururka Towfiiq Gudiguna Xaq uma laha in ay Ururka Towfiiq oo Shuruudaha laga rabo Soo buuxiyey Doorasho laga Reebo.

Go’aanka ayaa yimid laba maalmood kaddib markii Xisbiga Towfiiq uu soo saaray war-saxaafadeed uu kaga digayo habka loo maamulayo doorashada ku-celiska ah, isla markaana uu ku dalbaday in guddiga doorashadu dib u eego arrimo uu xisbigu ku tilmaamay kuwo halis gelin kara hufnaanta doorashada.

Xisbiga Towfiiq ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in la xaqiijiyo in doorashada lagu qabto jawi xor ah oo cadaalad ah, isagoo walaac ka muujiyay diyaar-garowga iyo habraacyada guddiga.

Doorashadii hore ee Golaha Deegaanka Galmudug, oo natiijadeeda la laalay, ayaa Xisbiga Towfiiq sheegay inuu ka helay 12 xildhibaan, balse uu diiday natiijada ka soo baxday doorashadaas, taasoo keentay in arrintu gaarto heer maxkamada sare ay natiijadii laasho.

Isku soo wada duub, ka maqnaanshaha Xisbigaan Towfiiq ee liiska rasmiga ah ee xisbiyada tartamaya ayaa soo nooleyn kara khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii hore, gaar ahaan iyadoo doorashada ku-celiska ah ay ka harsan yihiin toddobaadyo kooban, Waxaa xusid mudan in war-saxaafadeedka guddiga maanta uu soo saaray uu si cad u taxayo 12-ka xisbi ee loo oggolaaday tartanka, iyadoo Xisbiga Towfiiq aanu ku jirin liiskaas.