Maraykanka ayaa sheegay inuu si gaar ah ula socdo xiriirrada u dhexeeya kooxaha jihaad doonka ah ee Afrika, dhaq-dhaqaaqa lacagaha, dadka, hubka iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Washington ay walaac ka qabto in kooxaha ka howlgala Soomaaliya ay yeeshaan awood ay weerarro uga qorsheeyaan meel ka baxsan dalka.
Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa sheegay in khatarta kooxaha argigixisada ee qaaradda ay sii noqonayso mid isku xiran, iyadoo ururrada jihaad doonka ahi ay ka faa’iideysanayaan meelaha ay dowladuhu ku yar yihiin si ay u qortaan dagaalamayaal, u helaan dhaqaale una ballaariyaan howlgalladooda.
General John Brennan Jr, oo ah taliye ku xigeenka AFRICOM, ayaa sheegay in kooxahaasi ay awood u leeyihiin inay si degdeg ah ugu fidaan meelaha cadaadiska amni uu hooseeyo.
Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha uu Maraykanku si gaar ah isha ugu hayo, maadaama Al-Shabaab ay muddo dheer ka dagaallamaysay dalka, isla markaana ay horey weerarro uga fulisay dalalka deriska ah.
Washington ayaa sheegtay in mudnaanteedu aysan ahayn oo keliya inay la dagaallanto kooxaha marka ay weerar qaadaan, balse ay isku dayayso inay ogaato calaamadaha muujinaya in koox ay bilaabayso inay yeelato awood ay khatarteeda uga gudbiso xuduudaha Soomaaliya.
Brennan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dadka, lacagaha, agabka iyo aqoonta farsamo ee u dhexeeya kooxaha ay siin karaan awood ay ku dhisaan shabakado ka baxsan goobaha ay sida caadiga ah uga howlgalaan.
Arrintan ayaa sharraxaysa sababta Maraykanku u sii wado duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale kordhinaya taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya.
Si kastaba, saraakiisha Maraykanka ayaa ku adkeysanaya in duqeymuhu ay qayb ka yihiin istaraatiijiyad ballaaran oo ku wajahan in ciidamada Soomaaliya loo xoojiyo awoodda ay ugu dagaallami karaan kooxaha hubeysan, uguna hayn karaan dhulka ay dib ula wareegaan.
Hadafka Washington ayaa ah in ciidamadu ay awood u yeeshaan inay sii wadaan cadaadiska Al-Shabaab, halka Maraykanku uu adeegsanayo sirdoon iyo awood ciidan oo gaar ah marka loo baahdo.













