Sunday, November 15, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Iyadoo Dhawaanahaan uu Qaybo ka mid ah Somalia oo ay ku jirto Muqdisho uu ka jiray cudur loo yaqaanno Kaduudiye oo aad u Qandho badan, ayaa waxaa ka hadlay Qaabka looga hor-tego iyo habka loo daweeyo, Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Macallinna ka ah kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir. Dhakhtarka ayaa si faahfaahsan uga hadlay taariikhda...
Booliska Britain ayaa haatan wada baaritaan la xiriira dil loo geystay haweeney xildhibaan dalkaa ka ahayd oo lagu magacaabi jiray Jo Cox. Jo Cox ayaa ayadu ka tirsanayd xisbiga mucaaradka ah ee Labour Party ee carriga Ingiriiska isla markaana u doodi jidhay xaquuqda qaxootiga gaar ahaan Suuriyaanka iyo guud ahaanba soo galootiga oo dhan. Haweeneydaas ayaa Khamiistii shalay waxaa lagu dilay...
Iyadoo ay maalmihii dambe sii kordhayeen gadiidka la kala dhacayo deegaannada gobollada dhexe, ayaa waxaa arintaa ka digay taliska booliiska magaalada Beledweyne oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin in hanti qof leeyahay qof kale iska heysto. Taliyaha Qaybta Booliiska Magaalada Beledweyne Col, Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla oo kula hadlayay Warbaahinta Gudaha Degmada Beledweyne, ayaa sheegay in maalmihii ugu Dambeeyay arinta...

— Golaha Wasiirada Xukuumada FS oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa waxay uga doodeen qodobbo dhawr ah; Waxaana ay Ansixiyeen Xubnaha Guddiga Saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed. Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa warbixinta la xiriirta Amniga looga Dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga DF, C/qaadir Sh. Cali Diini, isagoo Sharraxaad ka bixiyay hawl-galada ka socda Somalia. Was kirk a ayaa Xusay in Dagaalladii ugh Dam very...

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mudane Ban Ki Moon iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kawada hadlay Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya, iyadoo Ki-moon uu ku boorriyay Xukuumadda Kenya inay xurmeyso heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee dib u celinta qoxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab, ayna la shaqeyso Dowladda Soomaaliya yo QM. Kulanka Ki-Moon iyo Uhuru Kenyatta oo shalay ka dhacay...
)-Maanta ayaa waxaa caalamka oo idil looga dabbaal dagayaa maalinta caruurta Afrika. Maalin walba oo taariikhdu ku beegan tahay 16ka Juun sanad walba waxaa loo dabbaal dagaa maalintaa oo looga hadlo baahiyaha iyo guulaha carruurta Afrika. Maalintaan ayaa waxaa loo dabbaal dagaayay tan iyo sanadkii 1991 markaas oo uu ururka midowga Afrika ee OAU/AU uu ansixiyay. Waxaa gaar ahaan lagu sharfaa carruurtii...
-Dawlada Kenya ayaa xidhay xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan xadka u dhexeeya labada magaalo ee mataanaha ah ee Mandheera oo dhanka Kenya ah iyo Balad Xaawo oo dhanka Soomaaliya ah. Labadaa magaalo oo la dhihi karo waa ay isku milmeen ayadoo wax u dhexeeya oo dhul ah uusan jirin irid laisaga gudbo maahee ayaa hadana waxaa...
RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo safar Shaqo u joogo Dalka Mareykanka, ayaa kulan la Qaatay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Mareykanka oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya. Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray sidii lagu Xoojin lahaa Wada-shaqeynta Xukuumadda Soomaaliya kala dhaxeyso Dowladda Mareykanka waxyaabihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga Taageeri lahaa Dhinacyadda Dhismaha Ciidanka, Horumarka Dhaqaalaha...
Wargeyska The Star ee kasoo baxa wadanka Kenya ayaa Saakay oo Arbaco ah daabacay in ay Rasmi tahay in Dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee la xiriirta Muranka badda ay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ. Kenya waxay ku doodeysaa in Somalia ay rabto in Kenya ay noqoto dhul aan Bad lahayn, Waxayna Kenya ku sheegeysaa in biyaha...
Cabdullaahi Ibraahim Isbiimo - oo horay uga tirsanaa Maamulka Degmada Dharkenley iyo Darawalkiisii ayay Kooxo Hubeysan ku Dileen Degmadaasi. Koox hubeysan oo saarnaa Mooto Bajaaj- ta ayaa gaari nuuca raaxada ah oo ay saarnaayeen labada ruux ee la dilay waxaa ay ku fureen rasaas. Sidoo kale, Kooxda Mootada wadatay ayaa Gaariga isku hor gooyay kadibna rasaas ayeey ku fureen...