Iyadoo
Dhawaanahaan uu Qaybo ka mid ah
Somalia oo ay ku jirto Muqdisho uu ka
jiray cudur loo yaqaanno Kaduudiye oo
aad u Qandho badan, ayaa waxaa ka
hadlay Qaabka looga hor-tego iyo habka
loo daweeyo, Prof. Cismaan Maxamuud
Dufle oo ka mid ah dhakhaatiirta
Soomaaliyeed, Macallinna ka ah
kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda
Banaadir.
Dhakhtarka ayaa si faahfaahsan uga
hadlay taariikhda cudurkan, siyaabaha
loo kala qaado, habka looga Hor-tago iyo
weliba daweyntiisa, isagoo tallooyin
muhiim ah oo cudurkan ku saabsan u
jeediyey bulshada Soomaaliyeed.
“Cudurka Kaduudiyaha ama loo yaqaano
(Chikungunya Fever) waa cudur
Adduunyada oo dhan ka jira – oo Safmar
yeesha (Outbreak), Wuxuu ku badan
yahay Waddamada Afrika ee Saxaraha
ka hooseeya, Koonfur-bari Aisa, Latin
Amerika, deegaanada Badweynta
Hindiya ku teedsan iyo baasifikada,”
ayuu yiri Prof. Dufle.
Sidoo kale, wuxuu intaa Ku daray in
markii u horeysay lagu arkay cudurkan
Dalalka Bariga Afrika Sannadihii 1952
–1953, Wuxuuna sheegay in magaca
cudurkaan ee (Chikungunya) uu
Macnihiisu yahay (Qallooc u socod) –
Taasoo Tilmaameysa buu yiri bukaanka
xaaladda markaas uu ku sugan yahay.
Markii ugu horreysay cudurka
kaduudiyaha ayuu xusay Prof. Dufle, in
lagu arkay Somalia sanadkii 2005
wuxuuna tilmaamay in Cudurkan ay
isku eg-yihiin Cudurka (Dengue Fever)
oo aad ugu dhow calaamooyinkiisa.
“Fayruska dhaliya Cudurkaan in uu
yahay Chikungunya, Waxaa lagu
caddeeyay dad qabay Waqtigaas 2005 oo
dhiig-baaris ay ka qaadday Hay’adda
WHO, Sidoo kale Dhallinyaro ka timid
waqtigaas Mareykanka kaddibna ku
laabatay ayaa markii ay baartay xarunta
CDC ee Atlanta waxaa laga helay
Fayruska Chikungunya” ayuu yiri
dhaqtarka.
Prof. Dufle ayaa intaas ku daray, in
cudurkaan ay kala Gudbiso Nooc ka mid
ah Kaneecada oo loo yaqaanno (Aedes
aegypti) ka dib marka ay qaniinto qof
qaba cudurkii ama Fayruskii iyadoo u
gudbisa qof fiyow ayuu yiri Prof. Dufle,
isagoo xusay in xilliga uu Fayrusku galo
dhiigga illaa ay ka soo baxayaan
Calaamadihiisa ay qaadaneyso muddo u
dhexeysa Saddex illaa toddoba
maalmood ah.
Calaamadaha cudurkan waxaa ugu
horeeya qandho aad u xooggan oo illaa
iyo 40 heer kulkeedu gaari karo, Xubno
xanuun, Dhabar xanuun, Madax xanuun,
murqo xanuun, barar kala goysyada ah,
qanjiro barar, nabaro yaryar oo jirka oo
dhan ka soo yaaca (Rash) cuntada oo
qofka qaadi kari waayo, daal badan,
mararka qaar labbo-labbo iyo matag
ayaa la socda” ayuu yiri Prof. Dufle.
Calaamadahan ayuu sheegay dhaqtarku
iney xooggoodu jiri karaan 3 illaa 7
maalmood, intaa ka dibna waxaa uu
xusay in bukaanku ka soo bogsanayo
cudurka Waxaa dhici karta ayuu yiri in
dadka qaar, gaar ahaan kuwa da’da ah
in xanuunkii iyo bararkii kala goysyada
ay sii jiri karaan muddo usbuuc illaa
laba usbuuc ah ama ka sii badan isagoo
tilmaamay in cudurkan uusan inta
badan aheyn dilaa balse uu qofka dhowr
maalmood howlgab ka dhigo.
Prof. Cismaan Dufle ayaa xusay in
Cudurka Chikungunya ama kaduudiyaha
wax ka hortag tallaal ah uusan laheyn,
balse ka hortagga ugu wanagsan uu
yahay in la iska ilaaliyo qaniinyada
kaneecada cudurka ama Fayruska iskugu
gudbisa dadka.
“Waxaa loo baahan yahay in dabeyl
badan lagu furo guriga iyadoo
dariishada loo furayo ama marwaxada
dabeysha ama qaboojiyaha (AC-ga) si
guriga gudihiisa looga fogeeyo
kaneecada Waxaa kaloo loo isticmaali
karaa sunta kaneecada sida DEET, iwm,
waxaa muhiim ah in goobaha biyo-
fadhiisadka leh sida balliyada iyo
barkadaha ee kaneecadu ka dhalato ama
qashin qubyada la nadiifiyo laguna
shubo sunta dileysa ukumaha kaneecada.
Waxaa kaloo muhim ah in bulshada
deegaanka hawshaas u kacdo si looga
hortago in cudurkii saf mar joogto ah u
yeesho” ayuu intaa ku daray Dhaqtarka
oo xusay in loo baahan yahay in la xirto
dhar lugaha iyo gacmahaba daboola si
looga gaashaanto qaniinyada kaneecada.
“Daawada cudurkan waa nasasho, biyo
badan oo la cabo iyo kaniiniga qandho-
jebiyaha oo la cuno marka qandho xoog
badan ay jirto, Waxaan bulshada u
sheegayaa dadka cudurada kala duwan
qaba sida dhiig-karka, sokorta, kelya-
xanuunka, beer-xanuunka, ama
cudurada feeraha sida TB-da iwm
inaysan joojin daawada ay qaataan
haddii uu kaduudiye haleelo sidoodana
u sii wataan, sidoo kale qofkii xanuun la
soo darso daawada cudurka markaas
hayana loo qoray waa inuu qaataa; taas
waxaan ugu gol leeyahay inaan caddeeyo
in uusan jirin fikirka waayahan soo
kordhay ee bulshada qaarkood aamineen
oo ah in wax dawo aan la qaadan karin,
mar kale arintaas waa fikir
xaqiiqdana ka fog isla markaana
bulshadeena aan ka wacyigelineyno”
ayuu hadalkiisa ku soo gebageebeyey
Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo
dhinaca kale xildhibaan gudoomiye ka
ah guddiga adeega bulshada ee
baarlamanka Somalia.
Ugu dambeyn, hadalka Prof. Dufle ayaa
ku soo aadaya xili dad fara badan oo ku
dhaqan Muqdisho iyo Gobollada
Waddanka Qaarkood ay la ildaran yihiin
cudurkan kaduudiyaha loo bixiyey oo
Somalidu aysan wax badan ka
fahamsaneyn, waxaana cudurkan uu
maalin walba soo ritaa dad fara badan.






