Guri nin boolis ah Muqdisho ka degenaa oo Bambaano lagu weerarey.

0
645

Koox ayaa xalay bambo gacmeed ku weerartay guri uu deganaa askari ka tirsanaa booliska Soomaaliyeed ee caasimada Muqdisho.

Askarigii ayaa halkaa ku geeriyooday ayadoo gurigu ku yaalo xaafada Xamar Jajab. Dhowr qof oo kale oo rayid ah ayaa halkaa ku dhaawacmay. 

Dableydii ayaa intaa kadib waxaa u suurta gashay inay baxsadaan.

Dhacdo kale, labo nin oo xirnaa dareeska ciidamada ayaa dhac u geystay dad ku sugnaa halka lagu magacaabo Beerta Jaadka ee Muqdisho.

Intaa kadib ayaa waxaa labadii nin toogasho ku dilay ciidamada booliska.

Falalka dhaca iyo boobka dadka rayidka ah ayaa beryahan Muqdisho kusoo badaneysey taas oo hada ka hor aaney cidina wax talaabo ah ka qaadin.

Ilaa iyo hadda cidina ma sheegan falka Bambaane ee guriga ninka Booliska ahi degenaa waana arimo dhici jirey oo hada yaraadey lamana oga sababta iyo cidda ka danbeysaba.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logobeccosalaam-banktabaarak