Doorashada xubnaha aqalka hoose ee ka socta magaalada Cadaado, ayaa xubnaha maanta ku guuleystay xubinnimada aqalka hoose, waxaa ka mid ah wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa.
Wasiirkan ayaa ah ninka maamulayey hanaanka doorashada la sheegey in ay dalka ka dhaceyso 2016ka,isagoo qoondeeyey jaan gooyaa ku sameeyey heerarka kala duwan ee hanaanka Doorasha Dadban ee dalka waxa uuna ka mid yahey dadka la dhacsan siyaasada Xasan SHeekh Maxamuud.
Wasiirka ayaa hellay 46 cod , halka musharixii la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Maxamed uu helay 5 cod.
Doorashada wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka, ayaa imaneysa xili sidoo kale maalintii shalay doorashii ka dhacday magaalada Jowhar kursiga aqalka hoose uu ku soo baxay wasiirka ammniga gudaha C/risaaq Cumar Max’ed.
Inta badan marka la eego xubnaha ilaa iyo hadda ku soo baxay doorashada xubnaha aqalka hoose ee magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar waxaa muuqata in ay u badan yihiin shaqsiyaad xilal ka haya dowladda, iyo xildhibaanno hore oo muddo ka soo mid ahaa gollaha shacabka kuwaa oo mar kale xaqiiqsaday ka sii mid ahaanshahooda baarlamaanka cusub ee federaalka.
warsom2011@gmail.com









