Iyadoo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay geeridii Allaha u raxmadee, Wariye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaalida, ayaa Waxaa Filim lagu Xusayay lagu qabtay xalay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Filimka lagu xusayay Geeridii Wariye Cawke ayaa wxaa lagu qabtay tiyaatarka Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya waxaana filimkaan lagu magacaabaaa Qab iyo Iil, kaasoo uu jilaaga koowaad ka ahaa Wariye Axmed Xasan Cawke, uuna wax ka metelayay Wariye C/salaam Ibraahim Hareri oo ahaa saaxiibka ugu dhaw ee Marxuum Cawke.
Marxuumka oo ahaa wariye raad taariikhi ah ka tagey ayaa waxaa lagu xasuustaa furfurnaan,kaftan,aftahannimo majaajilo iyo qosol aan laga xiiso dhacin barnaamijyada uu soo jeediyo,waxa uuna sanad ka hor ku geeryoodey dhulka soomaalidu degto ee Itoobiya iyadoo tuhuno badan oo la xiriirta geeridiisa ay jirtey walina taagantahey.
Munaasabaddan Xuska ahay, ayaa Waxaa ka Qayb-galay; Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Nairobi, Jamaal Mxamed Xasan, Xildhibaan Ducaale iyo Yuusuf Xasan oo kawada Tirsan Baarlamaanka Kenya, Madaxii hore ee Laanta Soomaaliga ee BBC-da, Maxamed C/llaahi, suxufiyiin iyo marti-shara kale oo gabi ahaan qiray kaalintii weynayd ee uu Wariye Cawke ku lahaa Warbaahinta Soomaaliya.
Dhanka kale, Filimkan ayaa waxaa sameeyay Axmed Faarax oo kasoo shaqeynayay muddo badan sidii ay bulshada Soomaaliyeed u daawan lahaayeen, waxaana soo saartay shirkadda Riyo Films.
Ugu dambeyntii, ALLAHA u Raxmadee, Wariye Axmed Xasan Cawke, ayaa 17-kii bishii November ee sannadkii hore 2015-kii, wuxuu ku geeriyooday degmada Jigjiga ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, isagoo u geeriyooday xanuun neef-mareenka ka haleelay.
warsom2011@gmail.com









