Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ooa galinkii dambe ee Khamiista gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, xilli ay socdaan diyaar-garowga shir madaxeedka dalalka taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Kulanka labada hoggaamiye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta uddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga dalka, geeddi-socodka doorashooyinka madaxa-bannaan iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Qalabka Sida Soomaaliyeed, iyadoo dowladda sheegtay in ciidamada ay guulo ka...
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq, ayaa sheegay in Xisbiga Nabad iyo Nolol uu si cad uga soo horjeedo soo jeedinno ku baaqaya in dalka dib loogu celiyo nidaamka ku-meel-gaarka ah, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid aan ku dhisnayn aragti fog oo wax ka tari karta xaaladda...
Doorashadii qof iyo cod ee ugu horreysay ee heer deegaan ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay dhammaan degmooyinka loo asteeyay in ay ka dhacdo, iyadoo guddiga doorashooyinka uu sheegay in goobaha codbixintu si buuxda u furmeen.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikarin Axmed Xasan, ayaa si...
WAR-SAXAAFADEED
Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed
Gudiga Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan-aragga, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Ururka, Cali Maxamed Nuux (Timajilic). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warqadaha iyo qoraallada ay dibadda u dirayaan kooxda isku magacawday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Dood iyo falanqayn kaddib, waxaa kulanka...
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay xadgudubkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kaas oo ay sheegtay inuu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili ah oo ay weheliyeen kooxo xagjir ah.
Dowladda ayaa falkaasi ku tilmaantay mid dhaawacaya xurmada goobta saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka, isla markaana gef weyn...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga falcelisay warqaddii uu Isbaheysiga Golaha Mustaqbalka Soomaaliya u diray madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, ka hor shirka Kampala ee looga arrinsanayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska,...
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shaaciyay qorshe lagu ballaarinayo Nidaamka Lacag-bixinta Degdegga ah (SIPS), si loogu xiro bangiyada ganacsiga, shirkadaha adeegyada lacagaha moobillada iyo shabakadaha lacag-bixinta ee gobolka, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo adeegyada maaliyadeed iyo xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed...
Warbaahinno caalami ah ayaa maalmihii u dambeeyey baahiyey warbixino ku saabsan doorka ay Somaliland sheegtay inay ka qaadanayso sugidda ammaanka marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, xilli gobolka Badda Cas uu wajahayo xaalado amni oo sii cakiran.
Hadaba, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Somaliland, Admiral Axmed Xaari Xariye, ayaa...
Shan xildhibaan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xubinimadoodii baarlamaanka, iyaga oo sheegay inay sidoo kale ka noqdeen aragtidii siyaasadeed ee saldhigga u ahayd dhismaha maamulka.
Xildhibaan Makhtal Siciid Maxamuud, oo ku hadlay magaca xildhibaanada is casilay, ayaa Bakayle Media u...


















