Soomaali Ku Nooleyd Dalka Sweden oo Dawladda Dalkaasi Sheegtay in 22 ka Bishan Loo Tarxiilayo Dalkooda.

0
8

Soomaali ku nool dalka Sweden ayaa wajahaya in dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo dadka qaar oo ay ku jiraan kuwa muddo dheer dalkaas ku noolaa loo diyaarinayo in laga saaro Sweden, xilli dowladda Soomaaliya ay hore uga hadashay muhiimadda ay leedahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ay dalkooda kusoo laabtaan.

Dib-u-celinta ayaa inta badan quseysa dadka aan haysan oggolaansho ay Sweden ku sii joogaan, kuwa codsiyadooda magangelyo la diiday ama ay haystaan go’aan kama dambeys ah oo ah inay dalka ka baxaan.

Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay Soomaali muddo dheer ku noolaa Sweden, gaar ahaan dadka kiisaskooda sharci ay soo jiitamayeen ama ay jiraan muranno ku saabsan xogta lagu saleeyay go’aannada laga gaaray xaaladdooda.

Soomaalida wajahaysa dib-u-celinta ayaa sidoo kale ku doodda in xaaladaha qoysaskooda, carruurta ay ku leeyihiin Sweden iyo muddada ay dalkaas ku noolaayeen loo baahan yahay in la tixgeliyo marka kiisaskooda la qiimeynayo.

Mid ka mid ah Soomaalida sheegtay inuu wajahayo dib-u-celin waa Cabbaas Bashiir Shiikh Xuseen, oo sheegay inuu muddo dheer ku noolaa Sweden, halkaasna ka shaqeystay waxna ku bartay.

Cabbaas ayaa sheegay in lagu hayo xarun loogu talagalay dadka wajahaya tarxiilka, isla markaana loo qorsheeyay in 22-ka bishan Soomaaliya loo celiyo.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah carruurtiisa ay ku dhasheen Sweden, isagoo intaas ku daray inuu dalkaas ku lahaa nolol iyo shaqo muddo dheer.

Cabbaas ayaa sheegay in hay’adaha socdaalka Sweden ay kiiskiisa gacanta ku hayeen ku dhowaad saddex sano, halka uu tan iyo Oktoobar 2025 ku jiray xarunta lagu hayo dadka wajahaya tarxiilka.

Wuxuu ku dooday in xog khaldan lagu qoray diiwaankiisa, taas oo uu sheegay inay saameysay go’aanka laga gaaray xaaladdiisa. Sida uu sheegay, wuxuu arrintaas maxkamad kaga dacwooday, isagoo haysta dukumiintiyo uu ku taageerayo kiiskiisa.

Cabbaas wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaali kale oo xarunta lagu hayo ay ku jiraan dad muddo dheer Sweden ku noolaa, qaarna ay leeyihiin carruur iyo qoysas ku nool dalkaas.

Cabbaas ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay arrintiisa kala hadasho dowladda Sweden, gaar ahaan haddii labada dhinac ay ku hawlan yihiin diyaarinta dib-u-celintiisa.