Duqeynta Keyd Hub Argagixisadu Lahaayeen Buuraha Gobolka Sanaag oo Mareykanku Xaqiijiyey.

0
5

AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn ka fuliyeen degaano kamid ah Puntland iyagoo bartilmaameedsaday bakhaar lagu keydiyo hubka caadiga ah oo ay leedahay Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ka dhacday gobolka Sanaag, gaar ahaan qiyaastii 80 KM koonfur-galbeed magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AFRICOM.

AFRICOM waxay sheegtay in howlgalka uu dhacay iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ay ugu hanjabi karto ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa dibadda.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in aan la shaacin doonin faahfaahinta ciidamada iyo diyaaradaha loo adeegsaday duqeynta, sababo la xiriira amniga howlgallada.

Si kasta ha ahaatee, Maraykanka ma sheegin khasaaraha ka dhashay howlgalkan, inkastoo uu qaatay siyaasad ku saabsan inuusan shaacin khasaaraha ka dhashay howlgalladiisa.

Dhawaan ayay ahayd markii Puntland ay sheegtay in howlgalka lagu fuliyay iyadoo lala kaashanayo hay’adaheeda ammaanka, inkastoo Maraykanka uu haatan shaaciyay inuu la kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa muddo sanad ka badan si joogto ah Puntland uga taageerayay dagaalka ka dhanka ah Daacish.