Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in dhammaan 18-kii shaqaale ee saarnaa markabka MV JACUAR, oo xaalad degdeg ah kadib ku caariyay badda meel qiyaastii 12 mayl-badeed waqooyi ka xigta Muqdisho, la badbaadiyay.
Sida lagu sheegay bayaan horudhac ah oo ay soo saareen Maamulka Dekedda Muqdisho iyo Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, markabka ayaa xilliga dhacdadu ku sugnaa aagga barroosinka ee Dekedda Muqdisho, wuxuuna diray farriin xaalad-degdeg ah oo uu ku sheegay in biyo ay markabka soo galayaan.
Maamulka Dekedda ayaa markabka faray inuu barroosinka qaado, kana fogaado aagga dekedda, una dhaqaaqo dhanka waqooyi, si loo yareeyo khatarta ka iman karta xaaladda markabka iyo maraakiibta kale ee ku sugan dekedda.
Markabka ayaa markii dambe ku caariyay meel qiyaastii 12 mayl-badeed waqooyi ka xigta Muqdisho.
MV JACUAR ayaa ka soo baxay Dekedda Beira ee dalka Mozambique, wuxuuna ku sii jeeday Dekedda Adabiya ee dalka Masar. Markabka ayaa siday xamuul ka kooban Maar (Copper Cathodes), waxaana iska leh shirkad laga leeyahay Suuriya.
Waxaa markabka saarnaa 18 shaqaale ah oo u kala dhashay Hindiya, Suuriya iyo Masar.
Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa xaqiijiyay in dhammaan shaqaalihii markabka ay badbaadeen, Shaqaalaha ayaa si nabad ah looga soo daadgureeyay markabka, waxaana lagu soo gaarsiiyay Muqdisho doonyaha Booliska Badda.
Maamulka Dekedda ayaa sheegay inay hadda gacanta ku hayaan shaqaalaha, isla markaana loo diyaariyay hoy, cunto iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, inta laga dhammaystirayo qorshaha dib loogu celinayo dalalkooda, Si loo ilaaliyo markabka iyo xamuulka saaran, Booliska Badda ayaa fuulay MV JACUAR, waxayna la wareegeen sugidda amniga markabka.
Maamulka Dekedda ayaa sidoo kale xusay in la xaddiday gelitaanka markabka, iyadoo aan loo oggolaanayn cid aan loo idman inay fuusho, si looga hortago khatar ku timaadda markabka, xamuulka iyo goobta uu ku caariyay.





