Mareykanka ayaa fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarun hub iyo rasaas lagu kaydin jiray oo ku taalla deegaanka Markad ee buuraha Al-Madow iyo Golis ee waqooyi-bari Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, howlgalka ayaa lagu qaaday xarumo ay Al-Shabaab u adeegsanaysay kaydinta hubka iyo rasaasta, kuwaas oo sida ay sheegeen loogu talagalay taageeridda hawlgallada kooxda iyo weerarrada ay ka fuliso Soomaaliya.
Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu fuliyay iyadoo lala kaashanayo hay’adaheeda ammaanka. lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga iyo habka loo fuliyay weerarka.
Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka uu kordhiyay howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxaha argigixisada ee ka howlgala Soomaaliya. AFRICOM waxay bishii Sebtembar 2026 xaqiijisay duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.
Puntland ayaa sheegtay in burburinta goobaha lagu kaydiyo hubka ay qayb ka tahay dadaallo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaa, laguna carqaladeynayo sahayda iyo awoodda kooxda ay ku qorsheyn karto kuna fulin karto weerarro.
Puntland ayaa sheegtay in ay AFRICOM hore uga wada hadleen xoojinta iskaashiga la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish ee buuraha Cal-Madow iyo Cal-Miskaad.
Iskaashigan ayay sheegtay inuu yahay qayb ka mid ah dadaal muddo dheer soconaya oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, looga hortago inay hesho goobo ay ku dhuumato iyo in la taageero xasilloonida Puntland.













