Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo raysal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo muddo labo maalmood ah wada hadal uga socday magaalada Addis Ababa ayaa gaaray heshiis is-afagarad ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka labada dal.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh. ayaa isku afgartay in la...
Hoggaamiyaha Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kula jiraan wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Alshabaab.
Sheikh Shaakir oo wareysi siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay uga haraan dagaalka Alshabaab, isagoo soo dhoweeyay in dowladda iyo shacabku iska...
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra.
Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin badan oo hoos yimaada Basra, sida lagu sheegay war dowladda kasoo baxay.
Dhammaan deegaannada...
Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federalka Soomaaliya Saleeebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya dabagal ku hayso shaqsiyaad ku eedeysan inay maalgalin u sameeyaan kooxda Alshabaab.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in hay’adaha baaristu ay si dhow ula socdaan dhaqdhaaqyada maaliyaddeed ee shaqsiyaadkan, isagoo tilmaamay in haddii dambigaas lagu helo...
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.
Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa...
Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal oo u dhow caasimada Hargaysa.
Dareere madow oo shidaal u eg ayaa hal mar kasoo booday goob laga qodayay ceel-biyood sida lagu arkay muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, isla markaana uu xaqiijiyay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland...
Wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay inay Puntland u baahan tahay in laga badbaadiyo halka uu ku wado madaxweyne Deni.
Xasan Shire Abgaal oo maanta xilka wareejiyay, ayaa ku tilmaamay sababta xilka looga qaaday inay ahayd, kadib markii isaga iyo madaxweyne Deni ay isku qabteen...
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay halkaasi in dadka ku dhintay uu ka mid noqday Allah u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn caanka uga ahaa gobolka Hiiraan.
Allah u naxariistee...
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel qooxle oo qiyaastii 40 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidanka dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii la sheegay...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isaga iyo wafdigiisa wadahadalo laba geesood ah waxay la yeesheen Rayaal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Golahiisa Xukuumadda.
Labada masuul ayaa wadahadalooda ku muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta...


















