“Meeshaas riig ayaa laga qodayay, oo wasaarada biyuhu ka qodaysay meel ilaa 5 kilomitir xaga waqooyi ka xigta tuulada, riigii markuu marayo 340 mitir, ayaa waxa kasoo baxay dareere aad u madow, oo aan hore loo arag” ayuu yidhi Wasiir Faarax.
Waxa uu wasiir Faarax sheegay in markii khuburada wasaaradu eegeen uu dareeraha la helay leeyahay astaamihii saliida qaydhiin, isla markaana, baadhitaan buuxa lagu samayn doono.
“Saddex calaamadood oo saliidu yeelan kartaba way ka muuqdaan, midabkii madoobaa wuu ka muuqdaa, urtii ilaa xad way ka muuqata, waxa ka muuqda dufan” ayuu yidhi Wasiir Faarax.
Waxa uu sheegay in deegaankan raadka shidaalka laga helay, ay shirkada caalamiga ah ee shidaalka baadha ee Genel Energy, ay sannadkii 2017 shidaal sahamin ka samaysay, oo ay ahayd deegaan lagu tuhunsanaa in uu shidaal ku jiro.