Saturday, April 18, 2026
Wararka imaanaya magaalada Cape town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi dilal loogu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Guguleti oo ka mid ah degaanada hoostaga Cape town. Muwaadiniinta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Allah u naxariistee Cabdikariin Cabdullaahi Maxamuud iyo Cabdullaahi Dheere,...
Golaha Guurtida Somaliland ayaa 2 sanno ku kordhiyay muddo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, muddo xileedka golaha ayay sidookale ku kordhiyeen muddo 5 sanno ah. Golaha ayaa kal fadhi ay saaka ku yeesheen xarunta golaha guurtida ee Hargaysa, cod aqlabiyad ah ku meel mariyay muddo kordhinta madaxweynaha iyo muddo xileedka...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada kaga qeyb galay salaadda Janaasada taliyehii qaybta guud ee boliiska gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku geeriyooday dagaalkii kadhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu jirin xeer qeexaya waxa la yeelayo hadii doorashooyinka urruradu wakhtigooda dib uga dhacaan, lakiin xal loo hayo doorashada madaxweynaha iyo guurtida. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in hadii xisbiyada wakhtigoodu dhamaado aan loo kordhin karayn, oo ay khasabtahay in doorashadooda la galo,...
Wararka naga soo gaaraya deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ee dhawaan la wareegay deegaanadaasi inay isaga baxeen. Ciidamada dowladda ku sugnaa maalmahii lasoo dhaafay degmada Moqokori ee saakay banaeeyay magaaladaasi ayaa la sheegay iney u dhaqaaqeen dhanka degmada Maxaas ee...
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa iska fogeeyay sababta loo magacaabay inay qeyb ka tahay muddo kororsi lagu eedeynayo madaxweyne Deni. Wasiir Juxa ayaa sheegay inuu xafiiska u yimid sidii uu u dhaqaajin lahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaamka axsaabta badan, kalsoonina loogu abuuri lahaa dadka shacabka...
Inta la xaqiijiyay shan askari oo ka tirsan ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ayaa geeriyootay sideed kalana dhaawacyo culus ayaa soo gaaray, kadib markii uu la rogmaday gaarigii ay saarnayeen oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdibilaha. Gaariga Cabdibilaha ayaa askarta kula rogmaday nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo aheyd halka...
Ururada Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dilka weriye Axmed Maxamed Shakuur oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), kaasoo ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Basra. Weriyahan ayaa la socday saraakiil ka tirsan hay’adda nabad Suggida, xilli uu socday howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen deegaanka Basra oo...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka oo ku geeriyooday Qarax miino oo lagula eegtay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa sheegay in Sarreeye...
Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay iyagoo ku sugnaa goob Ceel biyood laga qodayay oo kutaala deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Dabley la rumaysan yahay inay katirsan yihiin Alshabaab ayaa falkaan ka dambeeyay, iyagoo sidoo kale gubay  gaarigii Riiga...