Puntland ayaa digniin xooggan kasoo saartay Roobab mahiiggaan ah oo ku soo wajahan gobolka Nugaal, sida ay tilmaamayso saadaasha hawada.
Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka, ayaa bulshada lagu wargaliyay inay feejignaadaan kana baxaan dhulka godan iyo meelaha biya qaba-tinka leh.
“Waxay saadaashu sheegaysaa inay jiraan...
Deegaanka Masaajid Cali Guduud oo Ciidamada Dawladdu Si Buuxda ula wareegeen Sida Lagu Soo Waramayo.
Ciidamada dowladda federalka iyo kuwa beesha Mudulood oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay tuulada masaajid Gaduuud, kadib dagaal xooggan oo shalay galab halkaasi ka dhacay.
Alshabaab oo markii hore faarujiyay tuulada ayaa waxyar kadib kusoo qaaday weerar culus, balse ciidamada ayaa si adag isaga caabiyay oo ku guulaystay inay ka...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo kaashanaysa ciidanka dib u xureynta deegaanka ayaa Duhurnimadii Maanta weerar qorsheeysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa...
Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay laba ka mid ah Nabadoonadda Soomaaliyeed ee ku dhintay dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.
Munaasabaddaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay dekaddan muhiimad weyn u leedahay isku xirka ganacsiga bariga Afrika. Wuxuu madaxweynuhu sheegay dowladda Soomaaliya inay diyaar u tahay fududaynta wax kaste oo kor loogu...
Buundadii Buulaburte oo Shacabka Deegaanku Dib u Hagaajiyeen kadib Qaraxii Al-shabaab la Beegsadeen.
Dadweynaha ku nool degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa galinkii dambe ee Shalay bilaabay in si isxilqaan ah ay u dhistaan Buundada degmadaasi oo Al-shabaab maalmo kooban ka hor ay ku burburiyeen qarax.
Buundada oo qaraxa uu ka burburiyay qeybta dhex bartanka ah ayaa shacabka degmadaasi waxay bilaabeen iney ka...
Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo ahaa askari katirsan ciidanka dowladda, kaasoo hore u dilay wasiirkii howlaha guud ee dowladdi hore ee Soomaaliya, Cabaas Siraaji.
Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay afartii bishii May ee sannadkii 2017, xilli fiid ah isagoo kasoo...
Guud ahaan magaalooyinka dalka Itoobiya waxaa saaka ka billowday banaanbaxyo nabadeed oo waawayn, kuwaas oo ay dowladdu ku sheegtay in looga soo horjeedo waxay ku tilmaantay faragalinta reer galbeebku ku hayaan arimaha gudaha ee dalka Itoobiya.
Haddaba banaanbaxyadan oo ay soo abaabushay dowladda Itoobiya ayaa saaka ka billowday magaalada Addis...
Raysal wasaraahii dalka Ingiriiska Liz Truss ayaa goordhaw oo Maanta ah shaacisay iney iska casishay xilkii Raysal wasaaranimo ee dalka Britain, ayada oo xafiiska joogtay mudo lix todobaad kaliya.
Liz Truss ayaa noqoneysa Raysal wasaarahii ugu mudada gaabnaa ee soo mara dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay in Liz Truss uu...
Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hay'adaha amniga ay la wadaagtay cabasho uga timid ganacsatada Soomaaliyeed, oo sheegay in xogta ganacsigooda lala wadaago kooxda Alshabaab.
Wasaaradda dekedaha ayaa hay’adaha amniga ka codsatay in baaritaan loogu sameeyo cid kaste oo ku lug leh in xogta ganacsatada...


















