Ergo ka kala socda Dowladda Itoobiya iyo Kooxda TPLF ayaa maanta iska xaadiriyay dalka Koonfur Afrika, si ay uga qayb galaan kulanka xalka loogu raadinayo ee labada dhinac ku dhex maraya Koonfur Afrika.
Wada xaajoodkan oo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika ayaa waxaa shirkan hoggaaminaya hoggaanka sare ee Midowga...
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay garab taagan tahay shacabka & dowladda Soomaaliya, iyadoo cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel Tawakal ee magaalada Kismaayo.
Maraykanku wuxuu sheegay taageeradiisa Soomaaliya inay sii socondoonto islamarkaana aysan wax u dhimidoonin rabshadaha xagjirka ah ee Alshabaab.
Shalay ayay ahayd markii Alshabaab ay weerareen hotel kuyaala...
Dowladda Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah waxay ku fulisay labo nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo dil ka geysan jiray magaalada Muqdisho.
Shucayb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Cumar ayay ciidamada gacanta kusoo dhigeen sannadkii 2019, kadib iyagoo isku dayayay inay dilaan haweeney Qaadka ka ganacsan jirnay.
Labadan nin oo...
Wararka imaanaya xaduuda ay wadaagaan dalalka Congo iyo Rwanda ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay laba Muwaadin oo Soomaali ah, islamarkaana laga gubay gaari nooca Xamuulka qaada oo ay wateen labada Muwaadin.
Labadaan muwaadin ee la dilay, lana gubay gaariga ay wateen ee Xamuulka ahaa ayaa la sheegay iney ka...
Inta la ogyahay 1 qof ayaa dhintay 2 kalena way dhaawacmeen, kadib markii dablay aan haybtooda la aqoonsani ay rasaas huwiyeen dad shacab ah oo ku cawaynayay maqaaxi ku taala degmada Dararwayne ee gobolka Sanaag ee Somaliland.
Lama garanayo sababta keentay in dad maqaaxi ku cawaynaya, rasaas lagu furo iyo...
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa Maanta magacaawday guddi ka shaqeynaya dib u howl galinta Shirkaddii diyaaradda Somali Airlines.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa lagu magacaabay guddigaan oo ka kooban 7 xubnood oo Guddoomiye looga dhigay Cali Gacal...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta goob fagaare ah oo ku taala degmada Maxaas kula wareejiyay askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad lacag dhan $10.000, kadib howlgal qorsheeysan oo ay shalay kusoo dileen 2 ka mid ah dagaalayahanada Shabaab ee ku sugnaa degmada Moqokori ee...
Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar qarax Ismiidaamin ah ku bilaawday oo lagu qaaday hoteel Tawakal oo ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka qaraxa xigay dagaal toos ah oo dabley hubeysan gudaha ugu galeen hoteel Tawakal.
Gudaha hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka...
Maamulka gobolka Shabeelle oo ay wehelinayaan masuuliyiinta u sarreysa Ciidanka Liyuu Booliska ayaa deeq kala duwan ku wareejiyay maamulka gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.
Deeqdan oo isugu jirtay Gaadiid, Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo daawooyin ayaa waxaa ku maamulka gobolka Hiiraan ku wareejiyay Guddoomiyaha gobolka Shabeelle Aadan Axmed Sooyaan.
Geestiisa Guddoomiyaha gobolka...
Weerar loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.
Weerarka kadib dabley hubaysan oo katirsan Alshabaab ayaa billaabay inay gudaha u galaan hotelka, iyagoo adeegsanaya rasaas.
Iska horimaad ayaa hadda ka socda hotelka gudihiisa. Ciidamada ammaanka ayaa isku dayaya inay ka hortaagan in Alshabaab la wareegaan...


















